Xildhibaan Kijaandhe Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland Ka Dhexeeya Itoobiya iyo Kiinaya

0
542

Hargeysa (Dawan): Guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha dibada ee Golaha Wakiilada Somaliland Axmed  Kijaandhe, ayaa sheegay in meel fiican uu marayo xidhiidhka ay jamhuuriyadda  Somaliland la leedahay dalalka   Itoobiya iyo Kenya.

Axmed Kijaandhe,  oo shalay Hargaysa kula hadlay qaar ka mida warbaahinta waxa uu sheegay in dawladaha jaarka la ah Somaliland sida Itoobiya iyo Kenya ay ka dhexeeyaan xidhiidh wada shaqayneed.

“Xidhiidhka Itoobiya aynu la leenahay mid muhiima weeye.  Itoobiya Somaliland ayaa uga mihiimsan Soomaaliya iyo Abiy Axmed laftiisu waa inoo baahan yahay dalkeenii ayaynu haysanaa oo joognaa meeshan Somaliland ku taalaa-na waa meel aad u mihiima oo istaraatajiyad ah” ayuu yidhi xildhibaan Kijaandhe.

Isaga oo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Meel uu istaago ayuu la’ayahay Farmaajo (Madaxweynaha Soomaaliya) dhibaatooyinka Soomaaliya ka hasta Farmaajo ayuu kaga gal-galanayay in uu xidhiidh la sameeyo Itoobiya, isbedelka ka socda Geeska Afrika.

Somaliland way inoo wanaagsan tahay.  Waayo? dekad ayaynu leenahay,  Wajaale ganacsigeenu muu dhaafi jirin, safarka madaxweynuhu ku tego Yurub waxa ka muhiimsan ka uu ku tego dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Sababta oo ah isku dad aynu nahay,  xad ayaynu leenahay,  dhibaatada ka dhacdaa way ina saamaynaysaa,  waana deris keenii”.

Sidoo kale xildhibaan Kijaandhe  waxa uu sheegay in Somaliland iyo Kenya ay ka dhaxayso taariikh aad u facweyn oo dhinacyo badan leh.

“Taariikh faro badan oo dheer ayaa ka dhaxaysa Somaliland iyo Kenya maalin ba maalinta ka danbaysa-na wuu isa soo tarayaa xidhiidhka aynu la leenahay Kenya.

Somaliland iyo Soomaaliya,  Kenya way kala taqaanaa,  ama xidhiidhkoodu ha xumaado ama ha is-qabsadaan. Laakiin way u kala soocan yhiin Somaliland iyo Soomaaliya”ayuu yidhi xildhibaan Kijaandhe.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply