Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye oo Laba Maalmood Dib Loo Dhigay

0
451

Hargaysa (Dawan): Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere,  ayaa sheegay in muddo laba cisho ah dib loo dhigay shirkii golaha dhexe ee xisbiga  oo hore loogu muddeeyay in 23 bishan aynu ku jirno uu ka qabsoomo magaalada Boorama.

Axmed Cabdi Dheera, oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee xisbiga Kulmiye ee magaaladda Hargaysa ayaa sheegay sababta dib loogu dhigay qabsoomida shirka   hawlo shaqo awgeed, isla markaana  uu qabsoomi doonno  25 isla bishan.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo aanu u muddaynay in uu qabsoomo 23 bishan aan ku jirno,  waxa aanu dib u dhignay laba maalmood hawlo shaqo oo nagu yimid awgeed.

Waxaanu shirkaasi bilaabmayaa ama qabsoomi doonaa 25-ka illaa 26-ka  bishan aynu ku jirno,  halka uu markii hore ka ahaa 23 bishan”.

Geesta kale Axmed Cabdi Dheere waxa uu farriin u diray xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxaanu yidhi “Dhammaanba golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye waxaanu ogaysiinaynaa in muddo laba cisho ah shirkaa golaha dhexe dib u dhac uu ku yimid.

Waxaananu aad ugu rejo waynahay in ay ka soo qayb geli doonaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye iyo meshii lagu qabanayay shirka oo Boorama ah” ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply