Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyadda Somaliland Oo Ka Hadlay Xuska 18 May Iyo Qiimahay Qaranka U Lee Dahay.

0
635

Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland xilgii dawladdii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay xuska munaasibadda  18 May oo ku beegan markii ay Somaliland xornimadeedii luntay kala soo noqotay dalkii Somaliya laysku odhan jiray.

Wasiirka oo qoraal kooban soo dhigay boggiisa Facebook-ga ayaa  ku hambalyeeyey shacabka reer Somaliland xuska maalinta iyo in la xoojiyo, waxaanu tilmaamay in maalintani aanay ahayn mid si fudud loo helay.

18 May waa maalin qaran oo dariiq dheer loo soo mary mana jirto haba-yaraatee cid way-dayn kartaa waxaanan Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan aan ugu hambalyaynayaa dabaal-dagga munaasibadda qaranimadda jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan leeyahay geesiyada nool ee usoo halgamay dalkan, tacabkeenii wuu midho dhalay oo waxaynu dhalinay gobonimo iyo qaran madax banaan, talladeenii waynu meelmarinay oo waxaynu dhisanay dawladnimo, himiladeenii waynu xaqiijinay oo waxay dhidibada u taagnay bulsho nabdoon, leh sharciyad iyo qaanuun lagu hago iyo haykal maamul oo aynu ku kala danbayno,duniduna inagu ixtiraamto.

Hogaamiyayaasha siyaasada ee Somaaliya waxaan usoo jeedinayaa inay iska ilaawaan rajo midnimo danbe, waxaan ugu baaqaynaa inay shacbigooda u tudhaan oo danta bulshadooda mudnaanta siiyaan, nabad u raadiyaan qiimo kasta oo ay ku tagto, isuna tanaasulaan, wixii dhib ahna dhexdooda ka daayaan.

Ramadaan Mubaark..

Leave a Reply