Madaxtooyada Somaliland oo Bulshada u Iftiimisay Gefafka Sharci Ee uu Qarannimada Ka Galay Xildhibaan Dhakool iyo Garabsiinta Guddoomiye Cirro+Sawiro.

0
647

Madaxtooyada Somaliland Ayaa Bulshada u Iftiimisay Gefafka Sharci Ee uu Qarannimada Ka Galay Xildhibaan Dhakool iyo Garabsiinta Guddoomiye Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo saxaafadda la hadlay, waxa uu xadhigga xildhibaan Dhakool ku sheegay sharci darro iyo dastuur jebin

Xildhibaan Dhakool sharci-darro kuma xidhna ee wuxuu ku xidhan yahay sifo sharci ah, wuxuuna si cad ugu xa-gudbay jiritaanka qarannimada Somaliland, sharciyadda iyo Dastuurka uu xildhibaanka ku yahay.

 Dhakool 18 May Wuxuu ku sheegay maalin madow
 Maalin aan gobonimo lahayn maalin qaranna aan ahayn
 Maalin aan taariikh u lahayn Somaliland
 Maalintii la qixiyey beelaha darafyada

Shirkii Burco ee lagu aas-aasay goonii isu taaga Somaliland 18-May-1991-kii ee ay u dhammaayeen reer Somaliland, ayna kow ka ahaayeen Garaad Cabdiqani Garaad Cali, sheekh Muuse Goodaad iyo raggii kale ee reer Somaliland, xildhibaan Dhakool-na wuu ka been abuuray midnimadii maalintaasi lagu gaadhay go’aanka qaran.

Dhakool waxa uu been cad ka sheegay inaan Somaliland Xusin halgankii daraawiishta, dastuurka Somaliland-na wuxuu mudnaanta koowaad siiyey oo ku xardhan xuskii daraawiishta, taasina waa been kale oo uu bulshada ku kala qaybinayo.

Haddaba, sida ku cad waraaqda ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee summaddeedu tahay XIG/JSL/96/19, kuna taariikhaaysan 11/05/2019, qodobada eedaynta xildhibaan Dhakool waxa ay yihiin:

1. Qodobka 184 XCG oo ka hadlaya khiyaamo qaran oo lagu wiiqayo gobonnimada iyo jiritaanka Somaliland, madaama oo uu si toosa ugu soo bandhigay warbaahinta inuu ka soo horjeedo maalinta madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

2. Qodobka 213 XCG oo dhigaya iska horkeenis bulshada Somaliland, sababtoo ah waxa uu shir saxaafadadeedkiisa ku sheegay in maalintaasi tahay maalintii la qaxiyey beelaha darafyada Somaliland, una tahay maalin madow halka beelaha SNM ka dhigayaan maalin qaran soona saaraan carruurtooda iyo dumarkooda.

3. Qodobka 215 XCG oo ah fidin warar been abuur ah oo lagu kicinayo bulshada Somaliland oo keenaysa nabadgelyo-darro, sababtoo ah waxa uu hadaladiisa ula jeeday inuu ku wax yeelleeyo midnimada iyo wada-jirka shacbiga Somaliland, si ay u abuuranto jawi colaadeed iyo nabadgelyo darro, loona waayo nidaamka iyo kala danbaynta sharciga, warkaas oo uu ku baahiyey warbaahinta, kaasoo laga dhegeystay dalka gudihiisa iyo dibedadiisaba, danbiyadaas oo ah kuwo ka dhan ah qarannimada Somaliland, isla markaana qabashadiisu ay tahay waajib isla markiiba sida uu dhigayo qodobka 35-aad xeerka habka ciqaabta

Sidaa awgeed, waxa aan shacbiga u sheegayaa gefkaa cad ee qaranka laga galay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro-na ka doodayo sharci darrona ku tilmaamay inuu macneheedu yahay inuu ku raacsan yahay oo uu la qabo inay 18 May tahay maalin madow,
Haddaba, ninka leh ha la sii daayo, 18-ka May ma maalin cad baa mise waa maalin madow.

Hadalkii golaha wakiilada marnaba layskuma diidin inuu gef qaran galay Dhakool balse habkii loo maray qabashadiisa, ayuu hadalkoodu daarranaa, fasiraadda arrinkaasina wuxuu u yaallaa labada hay’adood ee xeer ilaalinta iyo sharci dejinta.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 1 person, outdoor

Image may contain: 1 person, outdoor

Leave a Reply