Dr. Edna oo Madaxweynaha Ku Bogaadisay Hirgelinta Mashruuca Shaqo Qaran

0
611

Hargeysa (Dawan ): Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland ayaa sheegay in ay kaalin weyn ka qaadan doonaan kobcinta qaranimadda dufcadda koowaad ee dhalinyaradda dhamaysatay barnaamijka carbiska qaranka.

Wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye, waxa kale oo uu sheegay in bilawgii barnaamijkaasi uu ku furmay niyad wanaag, isla markaana isagoon dhamaan qayb badan oo dhalinyaradaas ka mida loo balan qaaday shaqooyin.

Wasiir Caateeye, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Marka koowaad waxaynu nahay Islaam, waxaad halkaa ka garanaysaa maalintuu bilaabay Madaxweynaheenu Jamhuuriyada Somaliland niyad wanaaga. waxa uu xidhitaankii ku soo hagaajiyey 21 Ramadaan oo ah maalin barakaysan oo Salaadii taajudka la soo tukaday, waxa midho dhalkii uu u muuqdaa in ardaydii 400 oo ka mid ah ay qaadatay shirkada Singapore Oil.

Markaa waxa halkaa ka muuqata in niyad wanaag markii hore lagu furay kuna soo hagaajiyey xidhitaankii maalin barakaysan”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Maanta (shalay) waxaynu halkan u wada joognaa in madaxweynaha Qaranku mudane Muuse Biixi Cabdi uu inoo soo xidho dufcadii koowaad ee ka qalin jabisa Shaqo Qarran oo tiradoodo dhantahay 1350 kana kala yimid dhamaan gobolada dalka min Laascaanood ilaa Saylac”.

Geesta kale waxa uu wasiirku xusay in uu hindisaha barnaamijka shaqo qaran uu lahaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, taasi oo u jeedadu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo garaadka dhalinyarada reer Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply