Madaxweyne Muuse oo Ka Hadlay Shaqsiyaddii Marxuum Badha Badha oo Qaranka ka Baxay

0
50

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa ka hadlay ALLE ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cismaan Cawad Maxamuud (Badha-badha) oo qaranka ka baxay habeen horena ku geeriyooday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Waxaanu Madaxweyne Muuse Marxuumka ku sifeeyay oday halgamaa iyo hal door ka baxay qaranka Somaliland oo taariikh wayn ku lahaa dhismaha qaranka Somaliland illaa xilligii halgankii gumaysigana ka mid ahaa halgemayaashii xornimo doonka.

War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo Madaxweynaha qaranku kaga hadlay Geerida ALLE ha u naxariistee Geerida Xaaji Cismaan Cawad Maxamuud (Badha-badha), ayaa u dhignaa sidan.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, ganacsatada, qoonyahanka,

qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cismaan Cawad Maxamuud (Badha-badha) oo ku geeriyooday Xalay (habeen hore) oo ay taariikhdu tahay 26/05/2019, magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay halgankii xornimada ee wakhtigii gumeystihii ingiriiska, isagoo ka mid ahaa xisbigii SNL, markii danbena ku biiray xisbigii SDU, sannadihii sideetamaadkiina waxa uu ka mid noqday golaha deegaanka Burco, isagoo door aan la ilaawi karin kulahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, kana mid ahaa ganacsatadii bud-dhiga u ahaa dalka gaar ahaan gobolka togdheer.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo culimada waxgaradka, waayeelka, ganacsatada, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here