Masaajidada Dalka oo looga Digay Dhawaaqa Dheer ee Saalada Taajudka

0
678

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland Aadan Cabdillaahi Cabdila ayaa imaamyadda masaajidada magaalada Hargeysa ugu baaqay inay hoos u dhigaan dhawaaqa makarafoonada dibada xiliga Salaada Taajudka.

Hadalkan agaasimaha ayaa imanaya kadib markii sida uu sheegay ay dad badani cabasho u soo gudbiyeen, kuwaasi oo uu xusay inay qaarkood xanuusanayaan, qaarkood dhiban yihiin oo aanay qaadi karin codka dheer ee Makarafoonada dibada ee masaajidka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaafta mudane Aadan Cabdillaahi Cabdalla waxaa uu sidan ka sheegay shir jaraa’id oo ku qabtay xafiiskiisa.

Agaasimaha guud ee guud wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland mudane Aadan Cabdillaahi Cabdalla isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Maadaama oo tobankii danbe la galey habeen hore Taajudkii, islamarkaana acmaasha iyo kheyrku fara baddan yihiin, waxaa ay bulshadu ka cabaneysa in Makarafoonada dibada ee masaajidadu isticmaalayaan, taasi oo cabasho fara badani wasaaradda ay ka soo gaadhay ilaa xalay, dad fara badanina wasaaradda inoogu imanayeen, iyaga oo dhab ahaantii ka cabanaya codbaahiyayaasha masaajidada ee dibada ee la dalacayo, marka maadaama ay jiraan dad badan oo xanuusanaya ama jilicsan, kuwa dhibaateysan iyo kuwa masaafurina, islaamkuna reebay in kheyrka iyo wanaaga dadka lagu dhibaateeyo waxaanu imaamyadda masaajida fareynaa in la gaabiyo makarafoonada dibada ee masaajidada, waxaanu fareyna in imaamyaddu ay arrintaasi ka waantoobaan”

Agaasime Aadan Cabdillaahi Cabdalla sidoo kale waxaa uu ka hadlay cabasho ka timid dhanka salaada Cashaa’i waxaanu yidhi “Waxaa iyaduna jirta cabasho ka imaneysa dhanka salaada Cishaa’i ee bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaa aanu qaybiney jadwal qeexaya salad kasta wakhtiga la galeyo, waxaa uu eedaanku ku beegan yahay 7:32-daqiiqo, imaamyadiina ay ku galayaan saladdii 7:20 saladuna wakhtigeeda hadii aanay gaadhi in la tukado idinka ayaaba nooga aqoon badan ee Illaahina ka yaaba wadaadow, salaada Cishaa’i wakhtiga rasmiga ah ee la geli doono caawa laga bilaabo waa 7:32-daqiiqo”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply