Suldaan Naasir oo Kelmad Nasteexo ah Hawada u Mariyay Beelaha Ceel-afweyn Hal Doorka Qarankana Farriin u Diray

0
710

Hargeysa (Dawan):- Suldaan Naasir Suldaan Cabdi oo ka mid ah madaxdhaqamedka Somaliland,ayaa beelaha walaalaha ah ee Ceel Afweyn ku dar daaray in ay ALLE dartii uga waan toobaan dhiigga ay mar walba daadimayaan waxaanu carrabka ku adkeeyay oo uu labada beeloodba ugu nasteexeeyay in ay ilaashadaan wada dhalashada iyo walaalnimada.

Waxaa kale oo uu farriin adag u diray hal doorka qaranka Somaliland sida goleyaasha qaranka, culimada madaxdhaqameedka ganacsatada, iasgoo ammaanay sidii wanaagsanayd ee qaranka Somaliland uga wada hawl galay arrintii labada beeloo soo afjaristeeda.

Suldaanka ayaa sidaa ku sheeay waraysi kooban uu uu siiyay wargeyska Dawan, waxaanu yidhi isagoo arrimahaa ka hadlaya. “Marka hore ALLE ayaan u baryaynaa in labadaa beelood ee walaalaha ah in ALLE colaadooda wanaag iyo is jacayl ugu bedelo waxaa kale oo aan leeyahaya inta samo taliska ah ee labada beelood ku jirta ee badan oo ah dad walaalo ah oo wada dhashay oo wiil iyo abtigii ah walaalayaal wanaagga u kaca oo ALLE dhaartiisa qiimeeya oo fidno wadeyaasha isla qabta oo taa imika ee ugu dambaysay shar iyo shaydaan ayaa ka adeegay ee soo qabta ciddii wax gaysatay”

Waxaanu intaa raaciyay Suldaanku. ”Waxaan wada ogayn sidii qanagsanayd ee qaranka Somaliland ugu kacay arrintaa dhammaynteeda iyo soo afjariddeeda ee wakhtiga badan loo galiyay ee aan loogu kala hadhin culimo,madaxdhaqameed,asxaab iyo dawladba. Markaa maanta in ay innagu soo noqotaana dhib iyo naxdin ayay innagu tahay waayo? Waa kugu dhacday oo kaa dhacday.”

Suldaanka ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday. “haddii aynaan dhibta waxa keenaya aynaan dawayn oo aynaan walaalaheen si dhab ah anaynaan ugu gar naqin oo ka qaldan aynaan qaban oo aynaan runta u sheegin oo maalin walba aynu isu keeno oo aynu Kitaab ku dhaarino in ay nabad wada qaateen waxba maynaan tarin Kitaabka iyo dhaartaa Magaca ALLE ah ee maalin kasta la marayo ee haddana halkii laga bilaabayona cadho ALLE ayaa ka dhalan karta dunuubka dhaartaa ka dhacdaana Hargeysa ayay innoogu iman ee intaan dhaarta ka dayno labada dhinacba aan si xaqiiq ah ugu gar qaadno oo dhanka qaldan aan geed ku xidhno ka laga gardaran yahayna bogsiino.”ayuu yidhi Suldaan Naasir Suldaan Cabdi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply