Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Weftiga uu Hoggaaminayo oo Si Weyn Loo Qaabilay iyo Kulamada Maanta u Qorshaysan

0
437

Conakry (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ku jooga caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si meeqaamkeedu sarreeyo loogu soo dhaweeyey gegida caalamiga ah ee Conakry International Airport amaba Gbessia International Airport ee caasimadda Jamhuuriyadda Gini (Guinea), waxana halkaa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure, waxaana madaxweynaha iyo weftigiisu ay qaddar nasasho ah ku qaateen qolka VIP-da ee gudaha madaarka.

Intaa kaddib, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayey, waxa madaarka Conakry International Airport lagaga qaaday diyaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca ah ee (helicopter)-ta loo yaqaanno, taas oo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah u geysay qasriga madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Gini.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku wehelinayay, ayaa xarunta qasriga madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Gini lagaga gelbiyey baabuurta loogu talo galay madaxda habmaamuuskoodu sarreeyo, waxaana la geeyey Huteelka Kaloum ee badhtamaha caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini ee Conakry. Iyadoo maantana toos loo gudo gelidoono ujeedada safarka iyo kulamadii muhiimka ahaa ee labada Madaxweyne.

Weftida Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin wasiirada wasaaradaha Arrimaha dibedda Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Dr. Cumar Cali Cabdilaahi iyo Drs Edna Aadan Ismaaciil Ergayga wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayay Dawladda dalka Jamhuuriyadda Gini u soo dhawaysay si aad u sarraysa oo ah habmaamuuska ugu sarreeya ee lagu qaabilo madaxweyneyaasha dalalka ee dalkaas booqashada ku taga.

Waxaana Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay kulamo la yeesheen hor dhac ah Madaxda dalkaas iyadoo ay qorshaysan yihiin kulamo kale oo muhiimah oo madaxweynaha iyo weftigiisu ay la yeelanayaan madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyo madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Gini.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply