WEEDHA WARGEYSKA Xukuumad Aan Fursad La Siin Haddana Qabatay Waxyaabo Badan

0
23

Had iyo jeer Xukuumadaha doorashooyinka xorta ah kusoo baxa ee ku tartama nidaamka hal qof iyo hal cod, waxa ay dalalka qaatay ku dhaqanka nidaamkaas oo ah ka dimoqraadiyadda u caado ah, in Xisbiga ku guuleysta tartanka doorashada ay markaaba hambalyo toosa u mariyaan Warbaahinta hoggaamiyayaasha Axsaabtii ka qeyb gashay tartanka ee laga guuleystay. Sidaa waxay u yeelayaan waa si ay sunne ugu noqoto kuwa dembe, sidoo kalena aan marmarsiiyo iyo dhaqan looga dhigan ka muranka natiijada kasoo baxa doorashooyinka. 

Madaxda Axsaabta iyo taageerayaashooda laga guuleystay ee caadada ka dhigta jidkaa aan soo tilmaanay, waxaan muran lahayn inay iyana mar uun guusha hanan doonaan, waayo waxay hambalyadoodaasi muujineysaa siday u yihiin hoggaamiyayaal u bisil siyaasadda, isla markaana u hoggaansan xeerarka iyo shuruucda dalka, maadaama ay u taagan yihiin inay mar uun qabtaan hoggaanka dalka.

Tallaabada labaad ee lagu garto hoggaamiyaha Xisbi mucaarid ee aaminsan in guusha doorashadu tahay mid ka timaad xagga rabbi, waa midka ka waaniya taageerayaashiisa tirada badan ee la soo galay halganka dheer muddadii loollanka doorashada lagu jiray, inay cadhadii ka dhalatay guuldarredii doorashada kula ciiraan waxyeeleynta jiritaanka qaranka, sidoo kalena ka fogaadaan wixii khalkhal gelin kara ammaanka iyo xasiloonida dalka. 

Waxa intaa u sii dheer oo uu hoggaamiyaha qaran ee xisbul mucaaridka toosani u sheegaa taageerayaashiisa iyo shacbiga kaleba, in Xukuumadda cusub la siiyo fursad ay ku luxus goyso oo muddo kooban ah, si loo kala garto shar iyo kheyr midka ay la timaad, waxaanu Guddoomiyaha fiican Axsaabta kale ee mucaaridka kula dardaarmaa taageerayaashiisa in muddadaa cagta loo dhigo Xukuumadda, wixii ka dembeeyana la soo dhigo wixii dhaliilo ama khaldaad kale ah ee ay ku kacday Xukuumaddu. 

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaridka xambaarsan afkaarta mucaaridnimada dhabta ah lagu yaqaanaa, waa ka garta inuu ku gaadhi karo, kuna kasban karo quluubta shacabka, in dhaliillaha iyo khaladaadka uu qabo inay xukuumaddu leedahay uu u sheego qaab toolmoon oo aan xagxagasho iyo xanaf toona lahayn, iyadoo aan midhna loo dhaafin wixii dhaliillo iyo godaloolooyin ah ee ay leedahay Xukuumaddu.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbi Qaran ee daacadda ahi, waa ka gartay in mas’uuliyadda Qaranku aanay ahayn mid saaran Xukuumadda la doortay oo kaliya, balse tahay mid lala wadaago oo saaran cid kasta oo mas’uul ah mucaarid iyo muxaafidba, mid kastaana inta uu ku leeyahay ay tahay inuu isku xilqaamo wax ka qabashadeeda intii awooddiisa ah. 

Marka aan u soo noqono gudaha dalkeena, gaar ahaana labada Xisbi qaran ee mucaaridka ahi, habayaraatee wax fursad ah oo ay siiyeen Xukuumadda hadda haysa talada dalka ma jirto, waxana lagu qaaday olole dhinac walba leh mar allaale markay la wareegeen xilka.

Waxa la bilaabay dacaayado ka fog runta oo aan ku tilmaami karo beeno raseysan oo maalin in loo adeegsado waxyeeleynta sumcadda iyo karaamada mas’uuliyiinta Qaranka oo uu kow ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi. Colaad aan dhammaad lahayn oo u muuqata mid siyaasadeysan oo laga dhex huriyey laba beelood oo kuwada nool degaanka Ceel-afweyn iyo sidoo kale shirar beeleedyo aan ahayn kuwii la yiqiin ee beeluhu qabsan jireen iyo arrimo kale oo badan oo aynaan kaga bogan Karin qormadan.

Dhinaca kale waxa ay Xukuumaddani guntiga u xidhatay oo ay si aad ah xoogga u saartay, siday u sugi lahayd dhammaan xuduudaha dhinaca bariga Somaliland ee ay ka wadaagaan Somaaliya. Waxa markiiba ay Farmaajo iyo colkiisa Puntland weerar ku soo qaadeen fadhiisimadii Ciidammada Qaranku ku lahaayeen Jiidaha Sool.

Dagaalladaa oo guulo xoog leh laga gaadhay sida Kastam ay cashuurta ku qaadi jirtay Puntland oo ku yiil Tuka-raq, ayaa gebi ahaanba laga kiciyey Ciidammadii ku sugnaa halkaasi, waxa kale oo sidaa si la mid ah ka dhacay weerarro lagu soo qaaday Ciidamo ka mid kuwa Qaranka ee JSL oo la geeyey markii ugu horreysay dhinaca bariga Sanaag, kuwaas oo iyagana lagu jebiyey weerarradii ay ku soo qaadeen Ciidammada Qaranka.

Hawlahaas iyo kuwa kale oo badan oo dhinaca siyaasadda dibedda ah oo Xukuumaddani guulo badan ka gaadhay, ayaa Xisbiga Waddani mucaariday oo ka horyimid xataa Ciidammada loo diray Bariga Gobolka Sanaag, waxa kaloo ugu dembeeyey oo tusaale fiican ah, in maqalkii joojinta dhoofka xoolaha ee been abuurka ahaa ee lagu sheegay in Somaaliya laga soo qaato oggolaanshaha dhoofka Xoolaha ee xaggeena aan shicib iyo dawladba isku raacnay inaan taa la aqbalin, ayaa Ismaaciil Buubaa-na beentaa la baahiyey qaatay oo yidhi, [Hallaga soo qaato Somaaliya.]

Runtii waxa loo baahan yahay inaan kala saarno loollanka dhexdeena ee xagga siyaasadda iyo garab siinta cadowga Jamhuuriyadda Somaliland, si aan u gaadhno danaheena guud oo ah inaan ka helno caalamka aqoonsi.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here