Xasan Ciise Jaamac oo boggaadiyay Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Guinea

0
14

Hargaysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee Somaliland Mudane, Xasan Ciise Jaamac ayaa dhambaal Hambalyo iyo Bogaadin ah u diray Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga balaadhan ee uu hoggaaminay ku taageeray Safarka guusha badan dheliyay ee dalka Guinea Conakry.

Xasan Ciise Jaamac waxaa uu sheegay in Safarka Guinea Conakry ee lagu martiqaadday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Waftigii la socday uu saamayn wayn ku yeeshay guud ahaan Mandaqadda, gaar ahaanna dalalka geeska Africa, waxaannu ku tilmaamay inuu ahaa Safar guul wayn u soo hooyay Shacabka reer Somaliland.

Sidoo kale, Xasan Ciise Jaamac waxa uu labadda Xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI uu ku bogaadiyay sida ay u garab istaageen Safarkii Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay dalka Guinea Conakry ee galbeedka Africa, waxaannu ku guubaabiyay inay markasta u middoobaan qaddiyadda iyo difaaca Madax-bannaanida Somaliland, isla markaanna ay isku duubnidaa kolkasta muujiyaan.

 

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here