Faransiiska oo Maanta la Gaadhsiinayo Natiijada Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ee Guniea

0
817

Lyon (Dawan): Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka dalka Faransiiska Md Cali Ismaaciil Xasan ayaa shaaca ka qaaday inuu maanta gaadhsiinayo natiijada martiqaadkii rasmiga ahaa ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisu ku tageen dalka Guinea Wasaarada Arrimaha Dibeda Faransiiska.

Weriye Maxamuud Walaaleye oo khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay safiir Cali Ismaaciil, isaga oo ku sugan magaada Lyon oo uu kaga qeybgalay shir caalami ah ayaa sheegay in Faransiisku xog-ogaal u yahay qadiyada madaxbanaanida Somaliland.

Safiir Cali Ismaaciil oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Kulan aanu leenahay manta oo Isniin ah madaxda wasaarada Arrimaha Dibeda Faransiiska u qaabilsan Africa, waxaan u gudbin doonaa natiijada ka soo baxay martiqaadkii rasmiga ahaa ee madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi iyo wefdigiisu ku tageen dalka Guinea, qaraarkii Golaha Baarlamaanka iyo dhamaan qoraaladii xukuumada Somaliland u gudbisay beesha caalamka ee la xidhiidhay faragelinta maamulka Muqdisho,”

Safiir Cali ayaa intaa raaciyey, “Waxaan ka qeybgalay shirweyne 3 maalmood ka socday magaalada Lyon oo ururka Rugaha Ganacsiga Francophone igu soo martiqaaday. Dalka Faransiisku xog-ogaal ayuu u yahay qadiyadda madaxbanaanida Somaliland, laga soo bilaabo shirweynahii Boorama ilaa horumarka wakhtigan-ba, iskaashi balaadhana waan wadaagnaa.”

Dhinaca kale, safiir Cali Ismaaciil ayaa kaga qeybgalay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska, shirweyne ku saabsanaa arrimaha Deegaanka iyo maarayntiisa, kaas oo ay ka soo qeybgaleen wufuud ka kala socotay wadamadda xubnaha ka ah ururka Rugaha Ganacsiga Francophone, oo la isku dhaafsaday caqabada guud ahaan isbedelka cimilada ku yeelatay deegaanka iyo sidii wadajir la isaga kaashan lahaa wax ka qabashadeeda.

Ururka Rugaha Ganacsiga Francophone oo lagu aasaasay sanadkii 1973-kii dedaalkii madaxweynayaasha Georges POMPIDOU Faransiiska, Felix HOUPHOETE (Ivory Coast) iyo Leopild SEDAR (Senegal), isla markaana xukuumada Somaliland xubin rasmi ah ka noqotay sannadkii 2018 ayey ku jiraan wadammo badan oo qaaradaha caalamka ka kooban.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply