“Xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti Waxaan Ku Kalsoonnahay in ay Door Weyn ka Qaadan Doonto Qadiyadda Ictiraafka Raadinta” Danjire Cabdifataax

0
682

 Jabuuti (Dawan)- Danjiraha Somaliland u jooga dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti uu yahay mid soo jireen ah oo qoto dheer isla markaana aan looga baqayn in uu wiiqmo.

Waxaa kale oo uu ka hadlay in dalka Jabuuti uu yahay dal Somaliland ula dhaqma sida hannaanka laba dawladood oo is aqoonsan, waxaanu intaa raaciyay in dawladda dalka Jabuuti madaxda Somaliland ee safarrada shaqo ku taga ay qaabilaan madaxda Jabuuti ee ay isku heerka yihiin hadday wasiirro tahay, hadday Madaxweyne tahay iyo tahay madaxda kala duwan ee dalka tahayba.

Waxaa kale oo uu ka xog warramay wefti ka socda Somaliland oo ku sugan dalka Jabuuti oo uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye isla markaana ay xubno ka yihiin Abbaanduulaha 1aad ee ciidanka qaranka Sarreeye guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale (Afguduud), Madaxa Hoggaanka tababarka ciidanka qaranka Sarreeye guuto Axmed Cali Maxamed, Madaxa Hoggaanka Madaafiicda Gaashaanle sare Yuusuf Aadan Nuur (Marduuf) Madaxa Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Qaranka Gaashaanle dhexe Dr. Axmed-shadi Cabdillahi Maxamuud oo maalmihii u dambeeyay safar shaqo ku joogay dalka Jabuuti kulamadii ugu dambeeyay ee ay la yeesheen madaxda dalka Jabuuti,sida taliyeyaasha ciidamada booliska,jaandaaranka,illaalada Madaxtooyada sirdoonka,badda iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland

Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti oo socdaalka weftiga Somaliland iyo kulamada madaxda kala duwan ay la yeesheen si wayn uga soo shaqeeyay isla markaana safaaraddiisu suura galisay,kulamadana ku weheliyay wasiirka iyo madaxda ciidanka qaranka Somaliland eek u sugan dalka Jabuuti oo khadka Taleefanka ugu waramay wargayska Dawan,ayaa sheegay in dalka Jabuuti ay kalsooni buuxda ku qabto Somaliland in ay doorkeeda ka qaadan doonto qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland isla markaana ay ku biiri doonto dalal badan oo aqoonsi Somaliland ka hesho beesha caalamka dhiiri gelinaya.

Ugu horrayn Safiirka Somaliland u jooga dalka Jabuuti oo aanu waydiinay weftiga wasiirka difaaca Somaliland hoggaaminayo iyo cidda ay la kulmeen, ayaa yidhi. “maanta(shalay) labadii galinba waxaanu la kulanay madax kaal duwan oo dalka Jabuuti ah oo xafiisyadooda nagu qaabilay,waxaanu galinkii hore aniga iyo weftga wasiirka difaaca Somaliland hoggaaminayo ee ay ku weheliyaan abbaanduulaha 1-aad ee ciidanka qaranka iyo hoggaanadu aanu kulan wada qaadanay oo xafiiskiisa si qiimo badan noogu soo dhaweeyay taliyaha ciidanka booliska iyo socdaalka dowladda Djibouti Colonel Cabdilaahi Cabdi Faarax.waxaanan wada yeelanay kulan qiimo badan oo lagaga wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo arrimaha ciidamadu ka wada shaqayn karaan

Waxaa kale oo aanu kulan la qaadanay taliyaha Ciidanka illaalada madaxtooyada Djibouti Colonel Maxamed Jamac iaydoo uu kulankaa ku wehelinayay taliyaha ciidanka badda Djibouti Colonel Araarse.

Galinkii dambe ee maantana(shalay) waxaanu kulan wada qaadanay taliyaha ciidanka Gendermari-ga Djibouti Colonel Sakariye.”

Danjiraha oo ka hadlayay kulamadaa iyo waxyaabaha lagaga wada hadlay, ayaa yidhi. “kulamadan waxaa lagaga wada hadlay arrimaha ciidamada iyo waxyaaba aan iska kaashan karno oo ay ka mid tahay in labada dal iska kaashadaan arrimaha ammaanka iyadoo aan wada ogsoonahay in arrimaha nabad gelyada caam ahaan loo baahan yahay in iskaashi ay ka wada yeeshaan dalalka deriska ahi,waxaa kale oo aanu ka wada hadalnay ballan hore uga dhaxaysay Somaliland iyo Jabuuti oo ah dhanka isdhaafsiga aqoonta ciidanka oo waxaynu kaga wanaagsannahayna aan uga faa’iidayno waxay inagaga wacanyihiina aan ka korodhsano iyadoo dalka Jabuuti ay ku sugan yihiin dawladaha waawayn oo saldhigyo ku leh ciidankoodana tababarro siiya markaa waxyaabaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah in ciidanka Somaliland tababarro la qaataan ciidanka Jabuti iyo arrimo kale oo badan.”

Safiir Cabdifataax oo hadalkiisa sii wata isla markaana ka hadlayay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, ayaa yidhi. “Jabuuti iyo Somaliland waxaa ka dhexeeya xidhiidh wada dhalasho oo soo jireen ah oo aad u qoto dheer isla markaana aan looga baqayn in uu wiiqmo,dawladda dalka Jabuuti waa dalka keliya ee weftiyada Somaliland ka yimaadda markay socdaalka shaqo ku joogaan masuul kastaaba uu la kulmo masuulka dhiggiisa ah,hadduu Madaxwwynuhu yimaaddo wuxuu la kulmaa Madaxweynaha,wasiir kastaana waxaa uu la kulmaa wasiirka dhiggiisa ah imika wasiirka iyo madaxda ciidanka qaranka ee safarka shaqo ku jooga waxay la kulmeen dhammaan madaxda iyo taliyeyaasha ciidammada dalka Jabuuti oo ay ka wad hadleen xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga dhanka ciidanka,waxaa kale oo jira in dawladda Jabuuti ay ka mid tahay dalalka Somaliland ay u wada macaamilaan heerka laba dawladood oo deris ah.”

Danjire Cabdifataax oo wax laga waydiiyay in dawladda Jabuuti gacan ka gaysan karto aqoonsi raadinta Somaliland, ayaa yidhi. “horta qadiyadda aqoonsi raadintu waa shaqo iyo hawl innaga inoo taalla oo loo baahan yahay in aan ka shaqayno oo dalalka dunida oo dhan qadiyadeenna aynu gaadhsiino,waxaana jira dalal badan oo Somaliland madaxbannaanideeda diyaar u ah in ay gacan ka gaystaan dawladda Jabuutina waxaan kalsooni buuxda aanu ku qabnaa in qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland in ay gaadhsiin doonto shirarka midawga afrika iyo kuwa caalamiga ahba sababtoo ah dalalka Somaliland iyo Jabuuti maaha wax imika la is barayo laakiin waa laba dal oo isku naf ah oo wada dhalasho iyo walaalnimo wadaaga.markaa Jabuuti waxa u wanaagsan ayaa Somaliland-na u wanaagsan, arrintaana waan ka wada shaqaynaynaa haddaanu nahay Somaliland dalka Jabuuti.”ayuu yidhi safiirka Somaliland u jooga dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed oo khadka taleefanka waraysi gaar ah ku siiyay wargayska Dawan

Dawannews.com

 

 

Leave a Reply