Fikrada Uu Curiyay Ayuu Ku Diiday $ 1 Biylan !

0
642

Mr. Stanley Meyer waa ninka  hindisay gaadhi gebi ahaantiis ku socda Haydrojiin biyaha laga soo saaray. Daahfurkan oo soo baxay sanadkii 1997, wuxu si weyn usoo jiitay xarunta Bentigoonka Maraykanka iyo shirkadaha Shidaalka ka ganacsada ee Maraykanka kuwaasi oo sanadkii ka hela  macaash gaadhaya 5 billion oo doller.

Stanley ayaa loo soo bandhigay inuu qaato lacag gaadhaysa hal billion oo doller kana hadho curintiisa laakiin arinkaasi wuu diiday.

Stanley Meyer ayaa si lama filaan ah u dhintey bishii Maarso 20, 1998, isagoo raashin ka makhaayad. Walaalkiis wuxuu sheegay in uu kulan kula yeeshay makhaayadda laba maal-gashade oo reer Belgim ah. Wakhtigaasina Mr.Meyer si kedis ah ayuu  banaanka makhaayadda ugu orday isagoo ku dhowaaqaya “way I sumeeyeen”.

Baadhitaan ka dibna, booliiska magaalada Grove waxay u wareejiyeen warbixintii ogaanshaha dhimishada Mr.Mayer gobolka Franklin County kaasi oo isna markii danbe go’aamiyay in Meyer, uu qabay dhiig kar aad u xun isla markaana uu kaasi u dhintay ka dib markii maskaxda dhig kaga furmay. Taageerayaasha Meyer waxay aaminsan yihiin in la diley si loo xakameeyo fikradda cusub ee uu soo helay. Fikradiisa ah in la helo gaadiid iyo mishiino biyaha ku sheqeeya ayaa hadda ah mid dadka qofka doonaya inuu dhamaystiro, weli se lama hayo aqooyahano isugu tegay sidii ay u xaqiijin lahaayen.

Leave a Reply