Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha oo 5 Qodob kula Dardaarmay Arday ka Qalin Jabisay Jaamacadda Alpha Burco

0
511

Qore Faysal Xiis Afgaab

Burco (Dawan):- Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi,ayaa shan qodob kula dardaarmay 260 Arday oo ka qalin jabiyay Jaamacadda ALPHA faraceedda Burco.

Munaasibad ballaadhan oo si wayn loosoo agaasimay oo loo qabtay munaasibadda qalin jabinta ardayda ka aflaxday Jaamacadda ALPHA faraceeda Burco oo ay ka qab galeen wasiirro,madaxda asxaabta qaranka,masuuliyiinta jaamadacadda ALPHA,waalidiin,arday iyo marti sharaf kale oo badan ayaa shalay lagu qabtay Burco.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland oo ka mid ahaa masuuliyiintii dawladda ee munaasibadda kala qayb gashay arday loogu fooladaynayay,ayaa ardayda kula dar daarmay shan qodob oo muhiim u ah horumarka umadeed ee Somaliland.

Waxaanu ka wacyi galiyay qabyaaladda iyo wax kasta oo horumarkooda waxyeeli kara.

Wasiirka oo arrimaha uu ardayda kala hadlay uga waramay wargeyska dawan,ayaa yidhi. “waxaan ardayda kala hadalnay ugu horrayn in ay waxbarashada sii wataan oo aanay halkaa ku daynin,in ay ka dheeraadaan qabyaaladda iyo waxyaabaha xun xun ee bulshada dib u dhigi kara,waxaa kale oo aanu ku waaninay in ay hal abuur iyo wax curin la yimaadaan oo ay wax ku soo kordhiyaan dalka iyo in ay aqoonta ay barteen ay noqoto mid dalka iyo dadkaba wax u tarta oo anfacyeelata oo looga aayo.”

Ayuu yidhi wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland.

Leave a Reply