Shirkada Biyaha Shaba oo Dayactiro Ku Wadda Beebabka Biyaha Borama

0
798

Boorame (Dawan0- Shirkada Biyaha magaalada Borama ee Shaba ayaa Dayactiro Ballaadhan ku Wadda Beebabka biyaha ee degmooyinka Borama, biyaha u kala qaada, waxaanay farriin u direen dawladda hoose ee degmada oorame oo ay ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan baradanyaasha laga duldhisanayo goobaha ay beebabku maraan.

Agaasimaha waaxda farsamada shirkada Biyaha ee Shaba Eng. Maxamed Cabdi Fariid, ayaa sheegay in barandayaasha laga duldhiso goobaha ay maraan beebabka biyuhu ay xannibaad ku keeni karaan biyaha gaadhaya degmooyinka degmada Boorame haddii ay ciladi timaado, waxaanu dawladda hoose ee degmada Boorame ka codsaday in ay arrintaasi wax ka qabtaan.

Agaasimaha waaxda farsamada shirkada Biyaha ee Shaba Eng. Maxamed Cabdi Fariid oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Goobtan aanu ka shaqaynaynaa waa beeb jabay xalay (habeen hore) illaa haddana waa lagu jiraa hawshiisii, dhibaataduna waxa weeye goobtii uu marayay beebka biyuhu ayaa laga duldhisyaa barande shardci darro ah oo xannibaad ku noqonaya in wax laga qabto cillada ku timaada beebabka.”

Agaasimaha waaxda farsamada shirkada Biyaha ee Shaba Eng. Maxamed Cabdi Fariid waxa uu intaasi ku daray “Maanta magaalada Boorame qayb dhan ayaa harraadan, sababtuna waxa weeye, halkii wax laga baqan lahaa ee cillada laga hagaanin lahaa ayaa laga duldhistay barande, taas ayay shaqadii ka socon la’adahay, markaa dawladda hoose waxaan ka codsanayaa in ay arrintaasi wax ka qabtaan.”

 

 

Leave a Reply