Wasiirka Ciyaaraha Oo Kormeeray Garoomadda Kubbadda Cagta Burco

0
503

Burco (Dawan)- Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Boose Mire, ayaa shalay booqasho ku tegay qaar ka mida garoomadda kubbadda cagta magaaladda Burco oo ay ka socdeen ciyaarro saaxiibtinimo.

Garoomadii uu wasiirku soo maray waxaa ka mid ahaa garoonka hawlaha guud iyo garoonka kubbadda cagta ee Alemsey stadium, kuwaas oo xiligii uu wasiirku booqashadda ku tegay ay ka socdeen ciyaaro ay wada lahaayeen kooxaha ka dhisan Burco.

Waxaana wasiirka kormeerkaasi ku wehelinayay xildhibaan Mubaarig Bidhi, oo ka tirsan golaha degaanka Burco.

Garoomaddii uu kormeerka ku soo maray wasiirku waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan bahda ciyaaraha Togdheer oo uu ka mid ahaa xildhibaan Mubaarig Bidhi iyo hogaamadda kooxihii ku ciiyaarayay garoomadaasi.

Boos Mirre Maxamed, wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha oo hadal u jeediyay kooxdii ku ciyaaraysay garoonka Alemsey stadium iyo dadweynihii ciyaarta daawanayay ayaa tilmaamay in garoonka Alemsey stadium ee magaaladda Burco ay xukuumadu kharash aad u badan gelisay.

“Garoonka madaxweynaha Somaliland ayaa Roogii ku fidiyay. Wuxuuna noqday garoonka keliya ee kharashka badan la geliyay. Quruxdiisa waaban yaabay markii aan maanta imid, intii dib u habaynta lagu sameeyay kadib.

Maanta (shalay), idinka maanu filaynin, madaxweynuhu berito ayuu furayaa maca dhismaha maca Roogiisa. Waa garoonka keliya ee is raacay, weeye. Magaalooyinka qaar baan weli waxba loo dhisin”ayuu yidhi wasiir Boos Mirre.

Waxa kaloo uu sheegay wasiirka ciyaaruhu in todobaadka soo socda tartanka Orodku uu ka furmi doono magaaladda Ceerigaabo, kuna xigi doonaan Laascaanood iyo Burco.

Wasiir Boos, oo tartankaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Horyaalkii waanaga ku dhawaaqnay, Ceerigaabo waxaa laga furayaa 23-ka bisha. 24-kana Oroddo ayaa lagu qabanayaa. Laascaanood waa 26-ka bisha, 27-kana Oroddo ayaa lagu qabanayaa. Gobolka ku xiga ee imika loo furayaa waa Togdheer, ee diyaar garooba”.

Geesta kale xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mida xildhibaanadda golaha degaanka Burco, isla markaana had iyo jeer si weyn uga dhex muuqda bahda ciyaaraha ayaa wasiirka ciyaaraha uga mahad naqay booqashadda uu ku soo maray garoomadda kubbadda cagta Burco.

Waxaanu yidhi “Sharaf ayay noo tahay haddii aanu nahay reer Burco in wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaruhu, uu soo booqday garoomadda kubbadda cagta.

Wuxuu soo maray garoonka hawlaha guud oo ay ka socotay ciyaar ay wada lahaayeen, kooxaha gaashaan iyo kooxda wasaaradda ganacsiga.

Waxa kaluu soo maray garoonka Alamsey stadium oo uu isagu lahaa dhismihiisa iyo dib u habayntiisaba, oo uu wasiirku madaxweynaha ka dhameeyay”.

Xildhibaan Bidhi, ayaa si weyn ugu mahad naqay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha oo uu sheegay in ay wax badan ka qabteen garoomadda kubbadda cagta ee magaaladda Burco.

“Waxaanu leenahay wasiir aad iyo aad ayaanu kaaga mahad naqayna in aad na soo booqatay. Waanan og nahay in aad wax badan nala qabatay.

Waxa kaloo aan u mahad naqaynaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isagu safarkiisii u horeeyay ee uu ku yimid Burco, markii hore-na Roogga noo dhigay garoonka, markii danbe-na garoonka dib u dhis noogu sameeyay.

Waxaanan is leeyahay mashaariicdii ugu badnayd ee dalka madaxweynuhu goboladda uu ka fuliyay gobolka Togdheer baa ka mid ah. Marka la eego biriijyadda, garoonka kubbadda cagta, jeelka iyo mashaariicda Aroori iyo Beer ”ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Leave a Reply