Madaxweyne Muuse oo Ka Qayb-galay Xaflad Loo Sameeyay Dufcaddii 9aad ee ka Qalin-jebisa Jaamacadda Burco

0
559

“Sannadkan waxaanu gaadhnay in wixii deeq waxbarasho dibadda laga keenayo in la siiyo jaamacadaha dawladdu ay maamusho waayo?”

 

“242 jaamici oo qaranka wax u soo bartay inay jaamacaddii ka baxayaan waa guul aynnu wada gaadhnay dhammaanteen qaran ahaan”… Muus Biixi

 

 

 

Burco (Dawan)- Madaxweyaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu fooladeeyey 242 Arday oo ka qalin-jebisay Jaamacadda Burco.

Munaasibad lagu karaamaynayo ardayda ka qalin-jebisay Jaamacadda Burco oo ah dufcaddii sagaalaad ee ka qalin-jebisa jaamacaddaas oo lagu qabtay hoolka jaamacadda, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, maamulka iyo macallimiinta jaamacadda.

Ardayda qalin-jebinaysay iyo waalidiintooda, maamulka magaalada Burco iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bodaainayo dhallinyarada wax baratay, laguna dardaarayo inay sii xoojiyaan tacliintooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad miisaan leh u jeediyey Ardayda qalinjebisay, ayaa ugu horrayn ku bogaadiyey yoolkooda waxbarashada ee ay ka midho dhaliyeen. Waxaanu ku tilmaamay guul qaran oo soo saartay midho lagu dhaadan karo.

Waxaanu yidhi “Ardayda qalin-jebinaysa, waalidkooda, macallimiintooda, odayaashii Aas-aasay iyo kuwii gacanta ka geystay jaamaadda dhismaheeda, dhammaantooda maanta waxa u farxad ah in tacabkii ay soo tabceen midhihiisii maanta ay go’ayaan oo 242 jaamici oo qaranka wax u soo bartay, oo meelo badan wax ka tari doonaa, inay maanta jaamacaddii ka baxayaan waa guul aynnu wada gaadhnay dhammaanteen qaran ahaan.

Ardayda waannu soo dhaweynaynaa, waannu hambalyeynaynaa, waannu ku dhaadanaynaa, waana ku rejo weynahay inay mustaqbalka wax ka tari doonaan.”

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay inay hoggaamiye ahaan ka go’an tahay tayeynta iyo horumarinta goobaha waxbarashada ee dawladdu gacanta ku haysaa.

Isagoo sharraxay sababta deeqaha waxbarasho ee dibadda laga helo loogu xidhay ardayda ka baxda jaamacadaha dawladda. “Sannadkan waxaanu gaadhnay in wixii deeq waxbarasho dibadda laga keenayo in la siiyo jaamacadaha dawladdu ay maamusho. waayo? jaamacadda gaarka loo leeyahay lacag badanna dadka way ka qaataa. Waana isku filan tahay, dadka jaamacadaha ka bixinaya lacagta intaas le’egina carruurtooda waxbarasho way u diri karaan, waxana aannu masuuliyaddeeda hor marinaynayaa kaas aanay cidina u maqnayn” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Guddoomiyaha Boodhka jaamacadda Burco Maxamuud Aadan Dheri, iyo guddoomiyaha jaamacadda Burco Prof. Saleebaan Dirir Cabdi, oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay.

 

Waxaanay bogaadiyeen dedaalka ay sameeyeen Ardayda maanta qalin-jebisay iyo sida ay ugu soo samreen duruufihii wajahay waqtigii ay geeddiga waxbarashada ku jireen.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, ayaa isaguna Ardayda qalinjebisay bogaadiyey. Waxaaanu ku adkeeyey inay waxbarashada sii wataan, kana dheeraadaan wax kasta oo korodhsiga aqoon raadintooda ka hor iman kara.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey Ardaydii ugu sarraysay kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Burco maanta ka qalinjebisay.

Kuwaasoo farxad iyo rayn rayn ka muujiyey sida uu madaxweynuhu waqtigiisa ugu huray inuu kala qaybgalo maalmahooda farxadda.

 

Leave a Reply