Xubno ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland oo Madaxweynaha Qaranka Ku Taageeray Tallaabo uu Qaaday

0
384

Qore Faysal Xiis Afgaab

Borama (Dawan):- Qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland, ayaa Madaxweynaha qaranka mudane Muuse Biixi Cabdi ku taageeray isla markaana ku bogaadiyay tallaabo qaran oo uu qaaday, sheegayna in ay ku garab taagan yihiin tallaabada geesinimada leh ee uu qaaday.

Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar iyo Caaqil Cabdi Axmed Cige (Salsal) ayaa si wayn u soo dhaweeyay go’aanka madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu kaga noqday go’aankii madaarka Berbera lagaga dhigay saldhig Millatari isla markaana uu ku soo celiyay gacanta Somaliland kuna caddeeyay in uu yahay madaar rayid oo dalka u adeegi doona

Suldaanka iyo Caaqilka ayaa hoosta ka xariiqay tallaabada uu Madaxweyne Muuse qaaday in ay tahay tallaabo loo baahnaa isla markaana qaranka dan u ah. waxaanay intaa ku dareen in markasta ay ku garab taagan yihiin danta qaranka iyo midnimada Somaliland hannaanka uu madaxweynuhu u wado.

Suldaan Ibraahin Jamac Samatar oo hadalka ku horreeyay, ayaa yidhi. “Waxaan doonayaa in aan halkan ka diro baaq hambalyo ah oo aan ugu hambalyaynayo guud ahaan qaranka Somaliland gaar ahaan Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi anoo Madaxweynaha ku hambalyaynaya go’aankii uu ku dhawaaqay ee uu ku caddeeyay in laga noqday saldhiggii Millatari ee madaarka Berbera isla markaana Madaarkii Berbera laga dhigay Madaar rayid ah oo badda,dhulka iyo cirkaba laga isticmaali doono oo kaargooga dunida la isaga gudbin doono aad iyo aad ayaan arrintaa ugu faraxnay waana tallaabo wanaagsan oo qaranka loogu daneeyay oo dadka iyo dalkaba anfacaya,go’aamada sidaas oo kale ahna waynu u baahannahay in aynu qaadano isla markaana ku taageerno oo gacan ku siino madaxweynaha qaranka waxaanan ku garab taaggannahay waxkasta oo midnimada Somaliland iyo horumarkeeda ah oo uu ku tallaabsaday oo tan madaarku ay ka mid tahay. Waayo? Dalka Somaliland innaga ayaa iska leh oo ka talina oo wax la innaga waydiinayaa sida mustaqbalkeena iyo aayaha ubadkeena u wanaagsan in aan u fikirnaana innaga ayay inoo wanaagsan tahay,waana dariiq sah ah oo aynu u baahnayn waanad asiibtay mudane madaxweyne,haddaanu nahay madaxdhaqameedka Somalilandna waanu kugu taageersannahay kuguna garab taagannahay.”

Caaqil Salsal oo isna arrinta madaarka Berbera ka hadlay ayaa yidhi. “go’aanka Madaxweynaha qaranku ku dhawaaqay ee uu madaarkii Berbera kaga dhigay madaar rayid ah waxaan leeyahay mudane Madaxweyne go’aan loo baahnaa oo in badan bulshadu sugaysay ayaad qaadatay waanan kugu garab taagannahay waanan kugu bogaadinaynaa waana go’aan Somaliland u dan ah oo dalka iyo dadkaba anfacaya waana mid aad qaranka ugu danaynaysay oo aad wax ugu tartay.”

 

Leave a Reply