Wasiirka Shaqo-gelinta oo Booqatay Xarunta Agoomaha Gabiey

0
424

Qore Khadar M. Xaashi

Gabiley (Dawan) Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda Somaliland marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa kormeer ku tagtay xarunta agoomaha ee Gabiley, si ay xog ogaal ugu noqoto baahiyaha kala duwan ee ay qabaan ubadka xaruntaasi ku jira.

Kormeerka wasiirka oo daarranaa sidii ay ugu kuur geli lahayd xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin carruurta ku jirta xarunta agoomaha Gabilay. wasiirka ayaa ballan qaaday inay si qaran u waajahayaan xaaladda agoomaha dalka.

Maamulaha xarunta agoomaha ee magaalada Gabiley Axmed Dheere ayaa mid mid u dul istaagay baahiyaha ay qabaan carruurta ku jirta xaruntaasi waxaanu yidhi “Waxyaabaha xaruntan soo wajahay ee taagan waxaa ka mid ah dhulkan ay deggan yihiin oo aad ugu yar oo sida aad aragteen oo qolalkii wada buuxaan, waxaa kale oo ay u baahan yihiin Taangi biyo loogu shubo waayo wakhtiga Jilaalkii biyo la’aan ayaa dhacda, waxaa kale oo ay u baahan yihiin Garoon kubbada ay ku ciyaaraan, barashada culuunta koonbiyuurtaradda, xarun caafimaad oo lagu daryeelo ubadka, Sariiraha ubadku ku seexanayaan ee isa-saarka ah, kuwii jaamacaddaha u gudbayay oo ay jaamacadihii ay gali lahaayeen ay wada lacag doon yihiin”

Duqa degmadda Gabiley mudane Maxamed Amiin Cabdi Cumar oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi “Xaruntan ubadka ku jira cidda ugu dhaw ee markaaba baahidooda ka jawaabi karta waa annaga, hase ahaate horumarin mustaqbal ayay u baahan tahay, fadhina inooma yaallo inta xarumaha cid kale ay gacanta ku heysaa ay ka qurux badan yihiin kuwa aynu gacanta ku heyno”

“Waxaa aynu ka tabanaynaa waa dadaal darro baahiyaha goobtani ay qabto ee ka muuqda waxaa aan ula tegi doonaa madaxweynaha Qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi” ayay tidhi wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani.

 

Leave a Reply