Wasiirka Caddaalada Somaliland oo Furay Kulan lagu Lafo Gurayo Xeerka Adeegga Kaalmada Sharci

0
396

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda caddaaladda Somaliland mune Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa furay kulan lagu lafa gurayo Xeerka Kaalmadda Sharci oo qabyo qoraal ah, kaas oo la doonayo in loo gudbiyo golaha wasiiradda Somaliland, islamarkaana la horgeeyo golaha wakiiladda,

Wasiirka wasaaradda cadaalada Somaliland mudane Cabdirisaaq Cali Cabdi oo ugu horeyn iba furay kullankaas ayaa yidhi  “Xeerka adeegga kaalmadda sharci iyo mid ka mid ah siyaasadda kaalmadda sharci hore ayaa loo geeyay golaha laakiin haddana waa ay u baahan tahay in mar kale lagu celiyo, waxaa loo baahan yahay in aynu soo saarno xeer dhameystiran oo wanaagsan islamarkaana aynu ku  dhaqano, oo loo gudbiyo golayaasha, waana kaasi ka aynu maanta(shalay) isugu nimi in idinkuna aad fikirkiina ka dhiibataan waxa lagu darayo iyo waxaa laga saarayo,  hay’addo dhawra ayaa jira oo aanu heshiis ku galney inay naga caawiyaan oo adeegga Kaalmada Sharcina aanu gaadhsiino heer degmo illaa heer Tuulo, oo si isku midana umaddeena iyo qayb kasta oo ay ka khuseyso wasaaradda caddaaladda”

Agaasimaha guud ee wasaaradda caddaaladda mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ismaaciil Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay siyaasadda adeegga kaalmada sharci waxaanu yidhi “Kulankani waxaa aynu ku lafa guri doonaa Xeerka Kaalmadda Sharci oo qabyo qoraal ah, oo aynu dooneyno in sida ugu dhakhsaha badan  loo horgeeyo golaha wasiiradda, si loogu gudbiyo golaha wakiiladda una noqdo xeer waxa aynu og-nahay illaa maanta in kaalmada sharci ee aynu bixino, haddii ay dawladdu bixiso iyo haddii urruradda madaxa bannaani ay bixiyaanba iyo haddii ay hay’addaha Qaramada Midoobay bixiyaanba waxaa aynu ognahay in la bixiyo iyadda oo aanu weli sharcigii inoo jideyn, sharciguna isaga ayaa ka horreeya wax walba, adeegga kaalmada sharcina waa xaq sharciya oo Dastuurku jideynayo in qofka loo  adeegayaa uu hello in laga difaaco maxkamadda horteeda”

 

 

Leave a Reply