Xukuumadda Somaliland oo Bulshada Uga Digtay Gorgor Dad Qaad ah.

0
467

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Xukuumadda  Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay  Gorgor   carruur ku cunay  deegaano ka tirsan  Somaliland iyo kililka shanaad ee dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya isla markaana uga digtay shacabka Somaliland in ay ka feejignaadaan kana illaaliyaan carruurta gorgorkaa dad qaadka ah.

Wasiirka  Wasaarada Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga  Shugri  Xaaji Ismaciil  Baandare  oo shalay  la hadashay  qaar ka mid ah  warbaahinta   ayaa  sheegtay     in Isbedelada ku yimi Cimilada  Adduunka    ay keentay shimbirkan wax cunaya,waxaanay usoo jeedisay shacabka   deegaannada dalka in ay ka feejignaadaan  Shimbirkan dad cunka ah.

Shugri  Xaaji  Ismaaciil  oo arrimahaa ka hadlaysayna waxay tidhi“Waa wax innagu soo kordhay waana wax cusub horana umay jiri jirin baadhitaan ayaanu ku maqannahay Caalamka waanu la xidhiidhnay meelo badanna wax bay ka soo  sheegayaan,shimbiraheena waynu naqaanaa waa Shimbiraha Caalamka oo dhan waa la garanayaa waana wax qoran  dalka Itoobiya xuduud dheer ayaynu wadaagnaa  wax badan ayaa  ka soo gudba xuduudkaas oo jaar ayaynu nahay inta badana xayawaanku xagooda ayay ka soo gudbaan.Shimbiraha qaar ayaana ka taga xageena  waxaana aad ogaanaysaa in wixii ay ku noolaayeen shimbiruhu in ay isbedeleen.”.

Shugri Baandare oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi“waxa saamaysay isbedelkaa  Cimilada ku yimid oo wax kasta saamaysay  marka abaaruhu dhacaan  ee dhulka lagu cidhiidhiyo oo magaalooyinkii fidaan  ee kayntii la goynayo ee uu waayo meel uu ku dhalo shimbirkii,markaa waa  geed haad   waayay waxaana ka Wasaarad   ahaan nooga yaalla in aanu dadka ku nidhaahno is jira  oo waliba caruurta la ilaaliya.waxaana Afrika iyo Ameerika ka dhaca Shimbir sidaa oo kale ah oo dadka inta uu dhirbaaxo ugaadhsada  namay soo gaadhin shimbirkaa la leeyahay waala dilay  waana shimbirka Afrika   waana mucjiso  innagu cusub waana in laga feejignaadaa”.

 

 

Leave a Reply