Weftiga Somaliland ee Socdaalka Ku Jooga Yuganda oo Madaxweyne Yoweri Musevani Martiqaad Rasmi ah Caawa Ku Qaabilayo

0
424

Weftigi waxay shalay kulan muhiim ah la qaateen  Wasiirka Arrimaha Dibedda,maanta waxay la kulmayaan guddoomiyaha Baarlamaanka

Qore: Khadar M.Xaashi

 

 

 

Kambala(Dawan):- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiiladda Somaliland Xildhibaan Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ay xubno ka yihiin Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandha Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye, Xildhibaan Cabdicasiis Ismaaciil,Xoghaya golaha wakiiladda Somaliland Cabdrisaaq Siciid  Ayanle

Iyo safiirka Somaliland u jooga dalka Yuganda Xamse Xaaji Dool.

Weftiga ka socda Somaliland oo maalmihii u dambeeyay kulamo kala duwan la qaadanayay madaxda dalka Yuganda iyo weftiyada baarlamaanada dalalka barwaaqo sooranka afrika oo dalkaa shirkoodii baarlamaanadu uga furmayo,ayaa shalay kulan muhiim ah la yeeshay wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda dalka Yuganda mr hon Sam kutesa.

Wasiirka arrimaha dibedda Yuganda mr hon Sam kutesa,ayaa weftida Somaliland ku qaabilay gurigiisa.

Waxaanay labada dhinac ka wada hadleen xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyay Somaliland iyo Yuganda iyo in labada dalba ay ka wada tirsanaayeen ururka barwaaqo sooranka isla markaana ay wada ahaayeen laba maxmiyadood oo hoos tegi jiray boqortooyada Ingiriiska intii aanay labada dalba xorriyaddooda qaadan.

Kulankaas iyo marti qaad iyo casho sharaf rasmi ah oo madaxweynaha dalka Yuganda Yoweri Musevani uu ku marti qaaday weftiga Somaliland waxaa wargeyska Dawan uga warramay xoghayaha guud ee golaha wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ka mid ah xubnaha weftiga.

 

 

Waxaanu yidhi “Waxaanu maanta (shalay)la kulanay wasiirka arimaha dibeda ugandha  Mr Hon Sam kutesa oo gurigiisa nagu marti qaaday waxaanu sharaxaad dheer ka siiney xaqiiqda dhabta ee Somaliland  iyo xidhiidhkii ay wada lahaayeen Somaliland  iyo ugandha,waxaanan u sheegnay in Somaliland ay ka tirsanayd ururka Barwaaqo Sooranka kaas oo aanay Soomaaliya ku jirin balse ay ku wada jireen Somaliland iyo Uganda maadaama ay labada dalba ahaayeen Maxmiyado hoos taga boqortooyadii Ingiriiska,waxaa kale oo aanu ka wada hadalnay sidii loo soo celin lahaa xidhiidhkaa soo jireenka ah ee ay wada lahaayeen Uganda Somaliland iyo in la xoojiyo xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dal,waxaa kale oo aanu kulamo la yeelanay xubnaha baarlamaanada afrika ee dalalka barwaaqo sooranka ka qayb gelaya oo aanu u sheegnay in Somaliland ay ururka hore uga mid ahaan jirtay islamarkaana ay imikana diyaar u tahay in ay xubin buuxda ka noqoto,taas oo aanu ku rejo waynahay berry(maanta)  marka shirku uu furmo in aanu ku guulaysano oo cod lagu meel mariyo,waxaa kale oo  noo qorshaysan kulamo aanu la yeelanaynu guddoomiyaha baarlamaanka Uganda inta shirku socdo.”

Xoghayaha golaha wakiiladda Somaliland waxaa kale oo uu intaa ku daray in madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Musevani in uu u fidiyay martiqaad iyo casuumad rasmi ah weftiga Somaliland ka socda ee uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiiladda Somaliland Xildhibaan Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle,waxaanu yidhi. “waxaa martiqaad rasmi ah iyo casuumad weyn noo fidiyay oo aanu habeen dambe(Caawa) ugu tegaynaa qasriga madaxtooyada dalka Uganda Madaxweynaha dalkaas Yoweri Musevani,kulankaas oo lagaga wada hadli doono xidhiidhka labada dal iyo sii xoojintiisa waxaanan si wayn ugala hadli doonaa madaxweyne Yoweri Musevani,Somaliland iyo siday u tahay dal dimuquraadi ah oo xidhiidh soo jireen ah ay u wada lahaan jireen Uganda iyo sida loogu baahan yahay in ay xidhiidhkaa soo celiyaan isla markaana labada qaran u wada shaqeeyaan.”ayuu yidhi Xoghayaha golaha wakiiladda Somaliland oo u warramay wargeyska Dawan.

Leave a Reply