Madaxda Dunida Oo Hadda Ku Buraarugay Isbeddelka Cimilada

0
428

Waxa maanta  goob kasta oo degaan ah oo ka mid  ah dunida mid badeed, cir iyo mid berriba oo ay Somaliland ka mid tahay laga dareemayaa isbeddelka dhakhsaha badan ee Cimilada adduunka ku yimid , gaar ahaana heer-kulka qorraxda oo ka kuleyl badan sidii la arki jiray, duufaano xooggan iyo dabeylo iswata oo baabiiyey meelo badan oo ka mid ah dunida, gaar ahaan dhulka Jasiiradaha, keymaleydii iyo dhulkii cawska badan lahaa ee ku kala yiil dacallada dunida oo iyana dab ka kaco, halkaana ay ku shuf beelaan wax kasta oo ay ugu horreeyaan geed-weyntii hawda badan laga helayey, sidaa darteed ayey hadda Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxeysaa u abaabushay shirweyne ay isugu yeedhay dalalka xubnaha ka ah Golaha.

Shirkan oo lagu qabtay toddobaadkan magaalada New York ee carriga Mareykanka, ayaa sida horeba loo saadaalinayey aanu Madaxweynaha Mareykanku marnaba ku wargelin Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay inuu ka soo qeybgelayo shirkaasi, taas oo ahayd mid la filayey maadaama uu ka baxay heshiiskii Paris ee wax ka qabashada Cimilada adduunka,  isla markaana si indho adeygnimo ah uga soo horjeestay digniin ay Cimilada adduunka hore uga bixiyeen khubarrada xeeldheeayaasha ku ah,  guud ahaan Cimilada bad, Barri iyo cirba.     

Hasyeyeeshee Madaxweynaha dalka Mareykanka Mr, Donald Trump, ayaa iyadoo aan laga warqabin ka dul-degay shirkii wax ka qabashada Cimilada Adduunka ee Isniintii toddobaadkan ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka, taasoo ka yaabisay Madaxdii iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr, Antonio Guterres oo isagu ahaa shakhsiga martigelieyey shirkaasi oo aanu habayaraatee Madaxweyne Trump ku soo wargelin inuu kasoo qeybgelayo shirkaasi. 

Hadal kooban oo uu madashii shirka wax ka qabashada Cimilada adduunka ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu ka jeedinayey Xoghayaha Guud, ayaa waxa uu ku macneeyey imaatinkiisa ogeysiis la’aanta ah tallaabo hore loogu qaaday wax ka qabashada Cimilada oo uu hore iskii uga baxay Trump heshiiskii Paris, sidoo kalena waxa uga mahad celiyey imaatinkiisa shirka Mr, Micael Bloomberg oo ka md  ahaa maalqabeenada Mareykanka ee lagu soo martiqaaday shirweynahaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Shiinaha Mr, Wang Yi oo isna ka hadlay Shirweynaha wax ka qabashada  Cimilada Adduunka , ayaa daboolka ka qaaday inay lagama maarmaan tahay in laga soo baxo ballamaha la wada galo oo ay ka mid tahay tii Cimilada ee lagu saxeexay magaalada Paris, kaas oo uu hore u saxeexay Madaxweyne Baraak Obama , balse Madaxweyne Trump ka baxay 2017kii.

Waxa kale oo uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Shiinuhu in aanay yoolka wada jirka ah ee wax ka qabashada Cimilada waxba ka dhimeyn hal dhinac oo ka baxa, hadalkaas oo ahaa mid uu u jeedinayey dalka Mareykanka.

Geesta kale Warbaahintii dunida ee goob-jooga ka ahayd shirweynaha, ayaa sheegay in imaatinkii Trump ee goobta shirka ay hadheysay  gabadha yar ee 16 jirka ah ee  u dhalatay dalka Iswidhan Greta Thunberg oo ka mid ah carruurta dunida ee u kacday ololaha wax ka qabashada Cimilada adduunka oo iyana ka jeedisay madashaa hadal xamaasad lahaa  oo ruxay quluubta Madaxdii iyo maalqabeennadii dunida ee ka soo qeybgalay shirkaasi.

Gabadhan yar ee reer Iswidhan, ayaa dalkeedu ku siiyey abaalmarin dhaqdhaqaaqeeda firfircoon iyo doorka ay ka qaadatay wax ka qabashada Cimilada Adduunka, iyagoo doorkeedaa ku guddoonsiiyey Billada sharafta nabadda adduunka. Hawsha u dhaqdhaqaaqa wax ka qabashada Cimilada Adduunka waxay bilowday sannadkii 2018kii, waxayna ku guuleysatay Jimcihii la soo dhaafay inay 150 dal ay dhallinyaradu ka abaabulaan bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo Madaxda diiddan talada khubarada cilmi baadhayaasha dunida ee ka digay dhibaatooyinka ku gadaaman isbeddelka Cimilada adduunka ee hadda la arkay hordhiciisii sida heer-kulka oo si aad ah u kordhay iyo kuwa kale ee aan sare ku soo xusnay.

Fursad kale   ayey u heshay gabadha da’da yar  ee reer Iswidhan inay ku sii ballaadhiso dhaqdhaqaaqii ay waday ee cimilada, iyadoo toddobaadkan ka jeedisay khudbad qiiro iyo xamaasad xambaarsanaa  shirweyne ay soo diyaarisay hay’adda Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada New York, kaas oo ay ku dhammaayeen hoggaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah Golahaas iyo maalqabeennada leh Shirkadaha waaweyn ee dunida, taas oo iyana ay ku soo jeedisay indhaha iyo dhegaha bulshada Caalamka si ay uga qaataan doorkooda. 

Haweeneyda Hoggaamiyaha ka ah dalka Jarmalka Angela Merkel,  ayaa  markay u soo kacday in goobtii shirweynaha ay ka jeediso kelmaddeeda uu Madaxweynaha Mareykankuna ka baxay madashii ka hor intii aanay bilaabin hadalkeeda, haseahaatee hadal uu isna ka jeediyey shirkaa, ayaa waxa uu ku af-gobaadsaday in aanay xumeyn in laga hawlgalo wax ka qabashada Cimilada, balse waxa uu sheegay in loo baahan yahay in  dal kasta gaarkiisa uga shaqeeyo siduu u heli lahaa biyo nadiifa iyo hawo fiican.

Jamhuuriyadda Somaliland Madaxdeeda iyo shicibkeedaba waxa lagama maarmaan ah inay ku buraarugaan wax ka qabashada Cimilada isbeddleysa ee dalkooda oo bal marka hore ku dhaqaaqno waxyaabaha isbeddelka sameyn kara ee aan awoodi karno sida, in aan joojino dhammaan bac oo dhan nooc kasta oo ay yihiin, wixii caag ah oo dhan, degaannadeena oo aan nadiifino iyo inaan qaadno olole dhir beeris ah. Haddaan intaa isku duubni u fulino shaki malaha in ay wax badan ka tari karto isbeddelka Cimilada ee durba inna taabtay.

 

 

Leave a Reply