Harada Shaydaanka Iyo Jinka

0
879

Sanad kasta bishan September aynu ku jiro waxa ka bilaabmaa diyaar garowga bandhiga loogu dabaal deggo sanadka cusub ee milaadiga dalalka Yurub, Maraykanka iyo Austereliya. Goobaha loo dalxiis tago sida Huteelada ayaa iyana curiya sanad kasta arimo yaab leh oo aan hore loo arag oo dadka soo  jiita. Sanadka kasta waxa ay soo bandhigaan arimo kala duwan oo dhamaantood yaab lahaa.

Huteelada Five star ee dalalka Newsealand , Yurub iyo Maraykanka ayaa bilaabay sheeko aan hore loo arag oo xayaysiiskeeda goob kasta loogu qoraya:  “ kaalay soo daawo sida Shaydaanku u Maydho”.” Come see how the devil bathes”.

Inkasta oo ay ahayd Xayaysiis  haddana huteelkani waxa uu kasbaday in muddo bil ka yar ay is qoraan 400 kun oo qof kuwaasi oo doonaya inay soo arkaan harada shaydaanku ku maydho, waxaana uu ka qaaday lacag dhan 450 malyun doller. Dakhligaasi waxa sabab u ahayd astaanta xayaysiiska ee uu gudbiyay iyagoo dadkaasi dhamaantood xiisaynaya.

Dalxiisayaashan ayaa la geeyay goobo webiyo ah oo dhamaantood aan weli si fiican loo fahmin oo mucjiso ka buuxdo, waxaana ka mid ah webiga ku yaalla gobolka  Ohayo Maraykanka oo loo yaqaan “ webiga shaydaanka”, mid ku yaalla Newsealand oo loo yaqaan Haradi Jinka iwm.

Leave a Reply