Daacadnimadu Waa Erayo Ka Culus Buuraha!

0
482

Sanadkii 1923 muwadin u dhashay dalka Japan oo lagu magacaabo Aazabora ayaa Ey yar ka helay sanduuq yar oo dhex yaalla tareenka uu maalin kasta shaqada u raaco.   Eygaasi oo ahaa mid aad u yar oo aan weli korin, ninkaasi aya Eyga u qaatay gurigiisa oo korsaday.

Maalin kasta marka uu shaqo tegayo ee uu tareenka raacyo Eyga ayaa soo raaci jiray ilaa maxdada Tareenka, isagoo weliba halkaasi ku sugi jiray inta uu haddana shaqada ka soo noqonayo oo gaadhaysay 10 saacadood ugu yaraan.

Sanadkii 1925 ayuu ninkaasi Mr.Aazabora ee Japan u dhashay u shaqadiisa dhexdeeda ku dhintay ka dib markii wadnuhu istaagay isagoo shaqayanaya mana uu ku soo noqon halkii uu Eygu ku sugayay.

Waxaana yaab noqotay oo taariikhda gashay in aan Eygu halkaasi aanu ka kicin oo sugayay si kasta oo la isugu deyay in laga kexeeyo, 10 sanadood ayay ku qaadatay inuu iska joogo ilaa uu markii danbe Eygaasi halkaa ku dhintay.

Waxaan Istaankaa tareenka dhexdiisa looga dhisay Eygaasi Taallo lagu qoray magaciisa oo ahaa “Hachiko” oo ilaa maanta ka dhisan.  Ka sakow sawirkiisa Taallada ku yaalla Waxa kale oo lagu xardhay kelmadaha “ Fulinta daacdnimadu wa erayo ka culus buuraha oo ka dhaadheer, macno badana xambaarsan : Nafhurid, run iyo daacadnimo aan xuduud lahayn”.

 

 

Leave a Reply