Nijaarkii Ka Badbaaday Dilka .

0
514

Ka dib markii uu ka cadhaysiiyay boqorka nijaarkii u shaqaynayay boqorkuna wuxu ku xukumay in la dilo. Sida caadada ahaydna habeen badhka ayaa gurigiisa qofka la dilaayo laga soo kaxayn jiray ka dibna qoorta laga jari jiray inta ay dadku hurdaan.

Ninkaasi nijaarka ah ayaa aad u murugooday, hurdo ma seexan habeekaasi. Gabadhiisa ayaa ku tidhi “ Iska seexo Allah (sw) ayaa jira, albaabada farajkuna way badan yihiin”.

 

Ereyadaasi in kasta oo ay qalbigiisa dejiyeen haddana weli cabsida iyo argagaxu kama tegin.

Goor danbe ayay askartii boqorka soo gaadheen gurigii nijaarka markii uu hadalkoodii maqlay ayuu aad usii naxay oo gabadhiisa ku eegay daymo quusasho ah. Wuu kacay oo albaabkii wuxu ku furay gacmo gariiriya.

 

Markiiba gacmihiisa ayuu u taagay si ay katiinadii ugu xidhaan ka dibna geeyaan goobti lagu dilo denbiilayaasha. Labadii askari oo aad u yaaban ayaa ku yidhi “ Waxaanu kuugu nimi boqorkii wuu dhintay , inaad samayso sanduuqii naxashka u noqon lahaa ee lagu qaadayay”. Gabdhiisa ayuu si farxad leh u eegay, iyana waxay ku tidhi “ Ha iloobin Cabsida Rabbi, maalamaha nolashaadu way tirsan yihiine”. Qofkuna wuxu dhintaa Marka Allah xukumo laakiin maaha marka Banii’adamku xukumo.

 

 

Leave a Reply