Way Jiraan Dad Abaalka Gudaa!

0
828

Nin ka  mid ah ganacsatada tijaarta  ah ee dalka Shiinaha ayaa booqasho ku tegay guri dabaq ah oo ay ku nool yihiin dadka saboolka ah ee dalkaasi.

 

Waxaana uu halkaasi kula kulmay islaan da’ ah oo ka mid ahayd dadka degan dhismahan. Ganacsadaha  weyn ayaa islaanta siiyay lacag dhan malyuun lacagta dalkaasi ah oo u dhiganta 160 kun oo doller.  Markii la weydiiyay sababta uu u siiyay lacagta xadigan lehna islaanta saboolka ah , wuxu sheegay inay  gabadhani  tahay tii ka danbaysay  sirta guushiisa.

 

Ninkan ayaa intaasi ku daray  in muddo 20 sano ka hor ah, oo ay da’diisu ahayd 17 jir,   kana mid ahaa ciyaalka seexda derbiyada suuqa, ay gabadhan oo lahayd dukaan lagu iibiyo baastada ay halkaasi ka kaxasay. Waxayna isiisay raashin, hoy  waxayna ila raadisay shaqo ayuu yidhi. Waxa kale oo ay siin jirtay ayuu yidhi lacagta aan ku raaco Tareenka.

Waxaana uu sheegay in aanu ilaabi Karin sidii naxariista lahayd ee ay uga qayb qaadatay guushan maanta uu haysto.  Waxaana uu celiyay abaalkaasi iyadoo ay yar tahay dadka abaalka sida saxda ah uga jawaaba.

 

Leave a Reply