Dalalka iyo Shirqoolada Madaxda Ee Sirdoonku Fuliyay!

0
503

Markii uu dayuuradiisa ka soo degay isagoo ka yimi safar debedda ah madaxweynihii dalka Kongo ee la doortay Lumumba ayaa la qabtay oo la xidhay bishii Novemebr 17, sanadkii 1962, waxaana hawlgalkaasi fuliyay ciidamo gadooday oo daacad u ahaa keligii taliyihii Mabuto.

Waxay ahayd wakhti adag oo Lumumba ka soo horjeestay Belgimka gumaysan jiray  iyo danihii Maraykanka iyo Ingiriisku ku lahayaen dalkiisa isagoo xidhiidh dhow la yeeshay Ruushka.

 

Muddo ka dibna waxa dilay Lumba ciidanka xidhay ka dib markii ay ciqaabeen. Arintaasi waxay dhacday markii uu sanad keliya dalka madaxweyne ka ahaa.

 

Haddaba sanadkii 2010 ayay islaanta Daphne Park oo ka tirsanayd sirdoonka Ingriiska ay si cad u qiratay inay iyadu hogaaminaysay dilka Lumba iyadoo wakhtigaasi ku jirtay maalmihii nolosheeda ugu danbeeyay, dhakhaatiirtuna u sheegen inay muddo yar ka dib ay u dhimanayso xanuunka haya.

Daphne ayaa ahayd qunusulka iyo xoghayaha koowaad ee Ingiriiska u joogay caasimadda dalkaasi ee Kinishaasa.

Daphne ayaa intaasi ku dartay in sababta loo dilay aya ahayd iyagoo  ka casbi qabay xidhiidhka uu la yeeshay Ruushka iyo isaga oo gacanta u geliyay godadkii macadanta Yuraaniymaka Sofiyeetka.

Waxayna intaasi ku dartay in gobolka kale ee ay ku badan tahay macadantu ay cabsi weyn ka qabeen inuu Ruushku la wareego. Iyado intaasi ka dibna ay danaha dalalka Maraykanka , Ingiriiska iyo Belgimka ku soo xidhmi lahaayeen.  Dophne waxay wakhtigaasi qarka u saarayd geerida iyadoo u dhimatay xanuunka ay jiiftay markii ay warkaasi bixisay bil ka dib.

Leave a Reply