Wasaaradda Deegaanka oo Sanaag ka Fulisay Hawl Gallo Badbaadint Deeganka ah

0
511

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Wasaarada  Deegaanka iyo  reer Miyiga Somaliland ayaa ka fulisay  deegaano  ka tirsan  Gobolka  Sanaag    hawlgallo lagula dagaalamayo dadka  xaalufinta ku haya deegaanka.

Isuduwaha  Wasaarada  Deegaanka iyo  Reer Miyiga ee  Gobolka Sanaag      Cabdi  Warsame Xirsi    aya  sheegay in ay  soo baabiyeen  Beero loo ootay si Sharci darro ah  waxaanu intaa  ku daray  in   Maxkamada la soo taagi doono cidii lagu soo qabto iyadoo shidaysa  dhuxusha,

Cabdi Warsame Xirsi   oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi“Waxaanu soo kormeernay jiidaha Koonfurta iyo  Waqooyiga    Gobolka Sanaag  waxaanan ka hortegaynaa  xaalufinta deegaanka iyo nabaad guurka iyo dhuxul shidista    babiinta seerayaasha la ootay ee dadku doonayaan in ay kaligood  nooladaan,waxaanan soo maray 12 deegaan waxaanan soo baabiinay  beero  si sharci darro ah loo ootay   Maxkamada  ayaana la soo tagi doonaa ciddii seerayaashaa sharci darada ah oodatay ”.

Sidoo  kale   Maamulaha  Degmada  Ceerigaabo ee  Wasaarada  Deegaanka iyo  Reer Miyiga    Axmed Maahir  Cabdi,ayaa digniin u diry gaadiidka dhuxusha qaada,waxaanu yidhi. “Waxaanu ka hawl galnay  jiidaha koonfurta gobolka Sanaag  waxaana la soo qabtay shan nin oo gubayay   dhirta   waana la soo qabtay waxaan u mahadcelinayaa waayeelka deegaankaas iyo  Ciidamada  Qaranka iyo Booliska,waxa kale  oo aan u mahacelinayaa  Guddoomiyaha  Gobolka  Sanaag    waxaanan u digaynaa  in    gacan bira lagu qaban doono gaadiidka dhuxusha soo qaada ee Gobalada kale ka yimaada ee dhibaatada ku haya deegaanka    haddii aanay  joojin  dhuxushaa  ay shidayaan,cawaaqib xumo ayaanay la kulmi doonan  dadka dhuxusha shidaya iyo gaadiidkaa lagu soo rarayaaba.”.

Leave a Reply