Miyaanad Geesi Ahayn?

0
665
  • Gabayaagii Carbeed ee caanka ku ahaa geesinimada laguna magacaabi jiray Cantar Binu Shidaad ayaa maalin la arkay isagoo ka baqday oo ka cararaya Dibi uu lahaa.

Markaasi ayaa la weydiiyay ma adigoo Cantar ah oo geesinimo lagugu yaqaan ayaad ka baqatay Dibiga aad weliba adigu leedahay ?.

Cantar ayaa isaguna ku jawaabay :” Dibigu muxu ka garanayaa inaan ahay geesigii Cantar Binu Shadaad”. Awoodaada ha u muujin Jaahil aan ku aqoon, kaasi oo laga yaabo inuu kaa adkaado.

 

  • Gabadh ayaa aragtay wiil yar oo hooyadii oo buug akhriyaysa isaguna mid kale ku ag akhriyaya, markaasi ayay weydiisay sida ay ilmaheed ugu qancisay inuu maqlo in akhrisku ka wanaagsan yahay daawashada Fiidyowga? Waxaana ay ugu jawaabaty caruutu waxba ma maqlaan waa ku dayasho xaalkoodu, aniga ayaa akhriya isaguna wuu igu daydaa. Ilmahaaga bar ku dayasho wanaagsan.

Leave a Reply