Ciidanka Qaranka ee Aagga Galbeed oo Ku Wareejiyay Wasaaradda Deegaanka Hareemo Cad Sarci Darro Lagu Dhoofinayay oo ay Soo Qabteen

0
46244

Lughaya(Dawan):- Ciidanka qaranka aagga Galbeed,ayaa gacanta ku soo dhigay Hareema Cad si sharci drro ah dalka looga dhoofinayay oo qaab tahriibin ah dalka looga saarayay.

Ciidanka qaranka,ayaa 9  Hareemo cad oo ay ku soo qabteen hawl gal ay ka galeen deegaan u dhaw degmada Lughaya,ayay ku wareejiyeen wasiirka wasaaradda deegaanka Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.

hawlgalkan ayaa noqonaya kii labaad ee ay laba todobaad gudihiisa ku soo qabtaan Hareemo Cad  sharci darro lagu dhoofinayay.

Wasiirka deegnka ayaa sheegtay dadkii lagu soo qabtay Hareema Cadka in la soo taagi doono Maxkamad isla markaana sharciga la marin doono.

Wxaanay bulshada ka codsatay in ay la shaqeeyan oo ay la illaaliyn duurjoogta  sarci darada lagu dhoofinayo,waxaanay u mahad naqday ciidanka qaranka oo hawl gallo balaadhan oo lagula dagaalamayo dhoofinta sharci darada ah ee duurjoogta

Haddaba warkaas oo faah  faahsan halkan ka daawo.

Leave a Reply