Waxa Uu Dhintay Maalintii U Sheegay Inuu Dhimanayo!

0
684

Mr.Geronimo Cardano oo aqoon weyn u lahaa xisaabta waxa uu aha Talkyaani dhashay sanadkii bishii September 24, sanadkii 1501, waxa u qayb weyn ka qaatay wakhtigii fufuka horumarinta aqoonta gaar ahaan  XIsaabta, Sayniska qaybihiisa kala duwan, xidigiska ayaa isaguna aad u yaqaanay waxaana uu ahaa mid ka faalin jiray. Gerolamo waa ninka ku suntan xisaabta itimaalka (Probability).

Maanta, wuxuu caan ku yahay guulaha uu ka gaadhay xisaabta aljabra. Waxaana uu sameeyay nidaamkii ugu horeeyay ee tirooyinka taban ee Yurub,   Geronimo Cardano waxa uu aad u aaminsanaa faalka iyo inuu dadka wax uga sheego mustaqbalka. Maalin ayaa la weydiiyay bal inuu dadka u sheego maalinta uu dhimanayo maadama uu dadka uga waramo mustaqbalka, waxaana uu si fudud u yidhi :” Anigu waxaan dhimanaya maalinta 21 Septemebr , 1576”.

Markii la gaadhay maalintaasi isagoo caafimaadkiisu aad wanaagsan yahay ayuu dhintay ka dib markii uu is dilay.  Diinta ayaa xoojisaa miisaanka caqliga Aadamiga, aqoon kasta iyo fikir kasta iyo nolol kasta oo aad u wanaagsan oo ad ku jirta kuma muuqanayso marka qalbigu madhan yahay.  (en.wikipedia.)

Leave a Reply