Midabka Dameer Dibadeedka Iyo Waxtarkiisa!

0
587

Muddo 120 sano ah, saynisyahannadu waxay is weydiinayeen faa’iidooyinka ay leeyihiin khadadka ama laymanka madow iyo caddaanka ah ee midabka Damer debedeedku.

Sayanisyahanada ayaa wakhti dhow ogaaday in midabadaasi ay yareeyaan qaniinyada cayayaanka qiyaas dhan 50%, waxaana sababta ay ku sheegeen iyagoo midabadaasi marin habaabiya oo ka lumiya ujeedka ay leeyihiin cayayaanku.

Saynisyahanada ayaa tijaabo ku sameeyay noocyo ka mid ah Lo’da oo ay mariyeen midabadaasi, waxaana u cadaatay arinkaasi, iyadoo neefka midabkaasi la mariyay ay aad u uga yaraatay qaniinyada Cayaayanka marka loo eego Neefka aan midabkaasi lahayn

 

Leave a Reply