Safiirka Somaliland ee Faransiiska oo ka qeyb Galay Madal Caalamiya

0
426

Vannes (Dawan)- Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Faransiiska Danjire Cali Xasan Ismaaciil ayaa ka qeybgalay xaflad Wasaaradda Arrimaha Dibedda Faransiiska soo qabanqaabisay oo lagu casuumay dublamaasiyiinta caalamka ee fadhigoodu yahay caasimada Paris.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Faransiiska Jean-Yves Le Drian, oo metelayey Madaxweynaha Faransiiska Md Emmauel Macron ayaa gudoonsiiyey bilad sharaf Knight’s Cross Jean-Pierre Rivery, agaasimaha Guud, iyo madaxii hore Medef 56.

Munaasibadan oo lagu qabtay magaalada Vannes ee wasaarada Arrimaha Dibedda Faransiisku ku casuumtay safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u jooga ayaa bayaamiyey laba qodob, oo ugu horreyso dedaalkiisa dublamaasiyadeed ee xoojinta iskaashiga Somaliland iyo Faransiisku iyo wada shaqeynta dhow ee uu u la wadaagay, oo dhigiisa wadamadda caalamka inoo jooga, nasiibdarro aanay weli gaadhin hanashadeeda.

Sidoo kale, waxay meesha ka saartay dhaliilo xisbiyada Mucaaradku marar badan ku sheegaan in siyaasada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland fadhiid tahay, kana markhaati kacday sida qadiyadda Somaliland u qiimaynayo dalka Faransiisku.

Leave a Reply