Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka oo ka Hadlay Xannuunka Kuddudiyaha

0
649

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa faahfaahin ka bixiyay waxa keena xannuunka Kuududiyaha, kaasi oo uu tilmaamay in Kaneecadu ay dadka u kala gudbiso.

Agaasime Dr. Xergeeye waxa kale oo uu sheegay in ay ka hawl galeen xaalada caafimaad darro ee xanuunkani keenay, illaa haddana aanay jirin wax dhimasho ahi.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye isaga oo arrimahaasi si faahfaahsan u sharraxayayna waxaa uu yidhi “Xumaddii maalintii dhaweyd dhacday baadhitaankeedi waanu wadnaa, waxaana muuqatay in xumadda si wanaagsan looga hawl galay oo aanay wax dhimasho ahi ka dhicin, baadhitaan ayaanu ku sameynay, wali waa ay maqan tahay jawaabtii oo dalka dibadiisa ayaanu u dirney, xannuunkan ‘Kuududiyaha’ Fayras ayaa keena mana aha xannuun sidaasi u weyn, waxaa uu keenaa in xubnuhu ay qofka xannuunaan, madax xanuun leh deetaana qofkii kicitaankii ay dhib ku noqoneyso, sababtaasi waa ta magaca ‘Kuududiye’ loogu bixiyay ee uu qofkii dhaq-dhaqaaqi ku yaraanayo, hase ahaate maka Daawada xannuun bi’iyaha la siiyo qofkii xumadii iyo xunuunkiiba waa uu ka yaraanayaa, waxaan dadka u sheegayaa daawayn kuma tago ee jidhkeenaa iska difaacaya, oo wuu inaga tagayaa, dadku inay aad uga cabsoodaan maaha, wuxuu ku gudbaa kaneecada oo dadka u kala gudbisa.”

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply