Basaaskii Magacyada Badnaa

0
1073

Gorge Blake wuxu ahaa basaas laba wejiile ah oo laba dawladood u wada sheqeeya, Waxa uu xubin firfircoon ka ahaa sirdoonka Ingiriiska ee dalka Jarmalka ka hawlgelaya intii uu dagaalkii labaad socday. Gorge waxa uu ahaa nin aaminsan nidaamka Shuuciga ah sidaas darteedna waxa uu iyagana si daacad u ah ula shaqaynayay kana tirsanaa sirdoonka Ruushka.

Dawladda Ingiriiska ayaa wakhti danbe ka war heshay oo xidhay, waxaana la soo taagay maxkamad ku xukuntay 42 sano sanadkii 1962.

Waxase yaab noqotay markii 22kii Oktoobar sandkii 1966, Blake uu ka baxsaday jeelka ka dib markii uu jebiyey daaqad qolkiisa ku taallay wakhtigi fiidka ahayd 6 iyo 7 pm. Wakhtigaasi maxaabiista kale iyo ciidanka waardiyaha ahi Waxay daawanayeen  filim toddobaadle ah. Waxaana si qarsoodi ah ugu gudbiyay dalka Jarmalka Bari , rag ay saaxiib ahaayeen, halkaasi oo uu uga soo gudbay Ruushka oo la sheegay inu weli ku nool yahay isagoo 98 jir ah.Waxa uu la baxa magacyo kala duwan, waxaana uu ahaa basaas magacyo iyo midbao badan tusaal ahaan Richad Sodech wuxu ahaa magaca caan ka noqday dunida basaasiinta laakiin aan weligii wejigiisa cidna aanay aqoon. Dalka Japan Wuxu kaga shaqayn jiray inuu yahay suxufi Jarmal ah. Wuxu ahaa mid furfuran waxayna taasi keentay inuu xidhiidh wanaagsan la samaysto masuuliyiintii Japan kuwaasi oo ay soo jiidatay maqaaladihii iyo qoraaladii xiisaha iyo quruxda lahaa ee uu ku qori jiray wargeysyada, iyagoon dareemayn inuu yahay basaas Shuuci ah oo Ruushka u shaqaynaya. Waxaana uu uga faa’iideeyay Ruushka

Leave a Reply