Xikmadaha

0
637
  • “Nin xakiim ah ayaa la weydiiyay “ Maxaa Samada Saafi ka dhigay ? Wuu dhool cadeeyay, ka dibna wuxu yidhi “ Maxaa yeelay dad ayan ku noolayn!”.”
  • “Murugadu ma keento wax maqan, cabsiduna ma hagaajiso mustaqbalka, werwerku ma xaqjiiyo guusha. Laakiin Nafta degan iyo qalbiga raalida ka Allah (sw) ayaa ah sacaadada iyo nolosha wanaagsan”.
  • “Ha rumaysan beenta waxa aad jeceshahay in laguu sheego, hana necbaysan runta arinka aad neceb tahay” . “Muhiim maaha inaad noqoto mid weyn si aad dulqaad u yeelato, laakiin waxa muhiim ah inaad dulqaad yeelato si aad u noqoto mid weyn”.
  • Bixinta Sadaqada ku dadaal haba yaraatee. Sadaqadu waxay bakhtiisaa xumaanta, qalbigana way farxad galisaa, hammigana way kaxaysaa, risiqana way badisaa.
  • Albaabada ugu wayn ee nolosha wanaagsan waxa ka mid ah ducada waalidka e badso samafalkoodana ilaali, si sharka iyo belaayada aad uga nabad gasho.\
  • Ufiirso kuwa kaa hooseeya xaga jidhka, suurada, maalka, guriga, shaqada iyo Nasabka, si’aad u ogaatid inaad kumanyaal qof ka sarayso.

Leave a Reply