Adigu Qofna Ha Dhibin!

0
628

Imaam Axmad Ibnu Xambal ayaa waydiiyay Xaatim Al’asam, sidee dhibaatada dadka looga bad’baadi karaa?. Xaatimna waxa uu ka mid ahaa dadka xikmada iyo caqliga Allah siiyay waxaana uu ugu jawaabay :
“ Maalkaaga wax ka sii dadka, maalkoodana Faraha uga qaad!.. way ku dhibayaan adigu qofna ha dhibin. Marka ay waxa kaaga baahdaan u qabo, iyagna marna haku dhibin waxaad u baahan tahay in ay kuu qabtaan ama ku siiyaan!. Imaamkii ayaa ku yidhi Xaatimow arintaas way adag tahay.

Xaatimna  waxa uu ku yidhi “ Arinkaasi wanaagsan ayaad dhibka dadka kaga badbaadaysaa”.

Sheekhii Yaxya binu Mucaad isaguna waxa uu yidhi: “ Aadmigu waa maskiin sida uu fakhriga iyo saboolnimada uga baqayo hadduu uga cabsan lahaa Naarta wuu badbaadi lahaa, Sida uu Hantida  u jecel yahay hadduu u jeclaan lahaa Jannada wuu gaadhi lahaa. Waa inaad iska saamaxdaa qof kasta oo ku xumeeya.

Leave a Reply