Xikmadaha Maanta

0
897
  • Nin xakiim ah ayaa yidhi “ Arrin kasta wuxu ku bilowdaa yaraan, ka dibna wuu koraa oo weynaada ilaa Masiibada mooyee. Iyadu waxay ku bilaabantaa weynaan ka dibna way yaraataa. Shay kastaana marka uu bato wuu jabaa oorakhiis noqdaa , edebta mooyee, iyadu way qaaliyowdaa”
  • Dadku waa laba nooc, mid wuxu ku arkaa inaad wanaagsantay waana uu kugu jeclaada, nooca kalena wuxu ku arkaa inaad wanaagsantay laakiin waa uu ku cunayaa.
  • “ Dhawaaqa carabkaagu wuxu muujiyaa, sidaad u fikirayso, waxba codkaaga kor haw qaadin laakiin xikmada kelmadaada kor u qaad” “Maskaxda ka madhan xikmadda, saaxiibkeed waxay ku kordhisaa carab xumaani ka buuxdo “
  • “Haku dagmin muuqaalka sare, aamusnaanta xabaalaha maaha inay dhamaantood jano ku jiraan”
  • “Haddii aad la fadhiisato jaahiliinta aamus, hadiii aad la fadhiisto culimada amus, maxaa yelay ka jaahilka ah dulqaad ayaa kaga kordhaya, kan cuulimada aqoon ayaa kaga kordhaysa”
  • “Kalsoonidu waa sida qalcadda, dhisitaankeedu wuu adag yahay, laakiin burburinteedu way fududahay”. “Nin xakiim ah ayaa la weydiiyay maxaa ugu qurux badan wixii aad aragtay, waxaana uu ku jawaabay “ Ma arag wax ka qurux badan qof arkay dhamaan ceebahayga oo haddana weli i jecel”
  • “Dadka waxa ugu caqliga badan ka aduunyada iskaga tag inta aanay isaga ka tegin, Ee xabaashiisa iftiimiya inta aanu gelin”.

Leave a Reply