Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Shaqo Gelinta oo Kulan ka Yeeshay Dib u Eegista Hawl-qabadkii 2019

0
525

Qore Khadar M. Dhako.

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Maxamed ayaa shalay u soo xidhay Shaqaalaha Wasaaradaasi kulan lagaga hadlayay dib u eegista waxyaabihii u qabsoomay sannadkii dhammaaday ee 2019 iyo qorshaha sannadka 2020 -a.

Wasiir Hinda Jaamac Gaani oo hadal ka jeedisay xidhitaankii shirkan ayaa ammaan iyo bogaadin u jeedisay, ugana Mahadnaqday Shaqaalaha Wasaarada kaalintooda muhiimka ah iyo sida ay uga qayb qaateen muddo saddex cisho ah oo shirkani socday.

Hinda Jaamac Gaani oo arrimahaasi ka hadlaysay waxa ay tidhi “Waxa aan idiika Mahadnaqayaa oo aad ku mahadsantihiin muddadii saddexda maalmood ahayd ee kulan hawleedkii ay Wasaarada Shaqo galinta Arimaha Bulshada iyo Qoyska ku gorfaynaysay wixii sannadkii hore ee 2019-ka u qabsoomay Wasaarada Shaqada Qoyska iyo Arimaha Bulshada iyo sidoo kale Qorshaha Wasaarada ee Sannadka 2020-ka, shirkaasi oo maanta soo gabogaboobay.”

Wasiir Hinda waxa ay intaasi raacisay “Waxaan uga Mahadcelinayaa sida hufan ee aqoontu ku dheehan tahay ee agaasime Waxeedyada Wasaarada iyo Shaqaalaha Wasaaradu uga qayb qaateen mudadii uu kulankaasi socday ee inoo soo bilaabmay lixdii bishan illaa maanta oo ah siddeedii bisha, waxaana aanu muujin doonaa juhdigii iyo dadaalkii aynu galinay mudadii Shirku inoo socday in ay bulshadu dareento”.

 

 

 

 

Leave a Reply