Tartanka Kooxaha Kubbadda Cagta Heerka Koowaad ee Togdheer oo Maanta Furmaya

0
505

Qore Khadar Cabdi Muuse

Burco (Dawan): Tartanka ciyaaraha Kubbadda cagta kooxaha heerka koowaad ee gobolka Togdheer ayaa la shaaciyay in ay Khamiistan maanta si rasmi ah uga furmayaan garoonka Alamsey Stadium ee magaaladda Burco.

Waxaana ka qayb geli doona mudadda uu socdo tartankaasi 22 kooxood oo ka mida kooxaha Kubbadda cagta heerka koowaad ee gobolka Togdheer.

Ciyaarta furitaanka tartankaasi ee manta ayaa dhex mari doonta kooxaha ku kala ciyaaraya magacyadda wasaaradda Gaadiidka Somaliland iyo kooxda Gaashaan ee ciidanka milateriga u ciyaarta.

Tartan ciyaareedkani waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ee gobolka Togdheer. Iyadoo-na la magacaabay guddi ka gar-naqda inta ay socdaan ciyaarahaasi oo ka kooban lix xubnood.

Munaasibadii lagu shaacinayay wakhtiga uu bilaabmayo tartanka kooxaha gobolka Togdheer oo shalay lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Togdheer ee magaaladda Burco, waxaa goob joog ka ahaa isu-duwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Togdheer, ku-simaha badhasaabka gobolka Togdheer.

Xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Burco, oo uu ka mid ahaa xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo si weyn uga qayb qaata uga-na dhex muuqda bahda dhalinyaradda iyo ciyaaraha ee guud ahaan Somaliland gaar ahaana gobolka Togdheer.

Sidoo kale waxaa madasha joogay taliyeyaasha qaybaha gobolka Togdheer ee ciidamadda booliska iyo Asluubta iyo xubno ka tirsan guddiga nabadgeliyadda ee gobolka Togdheer.

Isu-duwaha wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland u qaabilsan gobolka Togdheer Keyse Yuusuf Cilmi, ayaa ku dhiiri geliyay kooxaha tartankaasi ka qayb qaadan doona in ay soo celiyaan magacii uu gobolka Togdheer ku lahaa ciyaaraha.

“Waxaynu doonaynaa haddii aynu nahay bahda ciyaaraha gobolka Togdheer, in aynu hore u socono. Waxaynu u baahan nahay, in aynu soo celino magacii uu hore ugu lahaan jiray gobolka Togdheer ciyaaraha, oo aynu Gacmaha is-wada qabsano.

Tartanku na wuxuu bilaabmi doonaa maalinta Khamiista (maanta), insha ALLAAH. Wixii wada-tashi ah iyo wixii dacwado ah, guddigaa khaaska ah ee aynu samaynay, ayuun baa loo daba-fadhiisan doonaa” ayuu yidhi Kayse Yuusuf Cilmi.

Sidoo kale xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo xaliyeen waxyaabo ay ka cabanayeen kooxaha tartanka ka qayb gelaya qaarkood.

Waxaanu tilmaamay xildhibaan Bidhi, in guddiga maamulaysa inta uu socdo tartankaasi ay ka madax-banaan yihiin wasaaradda ciyaaraha, isla markaana wixii khaladaad ah ee yimaadda ay guddigu xalinayaan.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaanu ka hawl-galnay in wixii aad ka cabanayseen la fuliyo. Waxaa la sameeyay guddi ka kooban lix xubnood ah. Guddigaasi wasaaradda ciyaaraha-na way ka madax banaan tahay. Dacwadu halkaas ayay idiinku taallaa.

Marka xeerka aad qaadanaysaan, lixda xubnood telefoonadoodda iyo magacyadooda-na waad qaadanaysaan, isku aadka-na waad qaadanaysaan. Wax way qaldami karaan. Waxaa la isku deyay in koobkaasi Cadaalad u dhaco. Cadaalad ayuun baa loo baahan yahay”.

Geesta kale ku-simaha badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed C/laahi Nafaqo, ayaa kula dar-daarmay kooxaha tartankaasi ka gelaya in wixii ay ka cabanayaan ay xaq u leeyihiin in ay u soo gudbiyaan maamulka gobolka.

Isagoo xusay in cidii ku kacdo fawdo iyo waxyaabo khal-khal abuuraya in ay wax ka qaban doonaan guddiga nabadgeliyadda gobolku.

Waxaanu yidhi, “Wixii aad xaq u leedihiin, anaga ayaa masuuliyiintii gobolka ah, ee waad noo soo gudbinaysaan. Laakiin, cidii fawdo iyo wax kale ku kacda, waxaa jooga guddigii amniga iyo nabadgeliyadda ayaan u dhiibaynaa.

Qofkii daacad ka ah in uu gobolku wax noqdo, wuxuu xaq u leeyahay-na hello, wax saxsan oo aynu isku raacsan-nahayna aynu la nimaadno. Qofkaasi dariiqa sharciga ah ayuu soo marayaa, sidii dhalinyaradii hore noogu timid”.

Dhinaca talieyaasha qaybta ee ciidamadda booliska iyo asluubta ee gobolka Togdheer oo iyag-na halkaas ka hadlay ayaa ku booriyay dhalinyaradda tartankaasi ka qayb gelaya in ay ilaaliyaan nabadgeliyadda, isla markaana ay muujiyaan dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan.

Waxaanay saraakiisbhaasi hogo-tusaaleeyeen qiimaha ay leedahay nabadgeliyadu, iyagoo u rejeeyay in tartankaasi uu ku dhamaan doono guul iyo nabadgeliyo.

 

Leave a Reply