Mooshin la Xidhiidha Aqoonsiga Somaliland oo Loo Gudbiyey Baarlamaanka Ingiriiska

0
499

London (Dawan)- Baarlamaanka Dalka Ingiriiska ayaa la horgeeyey mooshin lagaga dalbanayo inay aqoonsadaan qaddiyada madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo muddooyinka soo socda la eegi doono jawaabta ka soo baxda.

Xildhibaan Stephen Doughty oo farriin ku baahiyey bartiisa Twitter ayaa ku shaaciyey “Taageerada Somaliland way ku soo kordhaysay Baarlamaankii u dambeeyey, waxaan filayaa in xildhibaannada UK ee baarlamaanka cusub ay taageeri doonaan xidhiidhkeena taariikhiga ah, waxaanan gudbiyey mooshin la xidhiidha arrinkaas.

Sida lagu baahiyey mareegta Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa mooshinkan oo la gudbiyey 19 December, 2019, waxa uu u dhignaa sidan:- “Mooshinkani waxuu Golaha xusuusinayaa xidhiidhka adage e taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska; waxaan ugu hambalyeynayaa dadka reer Somaliland sannad guuradii 59aad ee ka soo wareegtay madaxbanaanida Somaliland oo ahayd maxmiyad Ingriis ah.”

Mooshinkan oo xildhibaan Stephen Doughty oo xisbiga mucaaradka ee Shaqaalaha uga soo baxay magaalada Sheffield u soo gudbiyey baarlamaanka Ingiriiska, ayaa la raaciyey Waxaan ugu baaqaynaa dawladda Ingiriiska inay si rasmi ah u aqoonsato in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay waddan madax-bannaan, isla markaana ay qaaddo tallaabooyin lagu dhiirrigelinayo wadahadal lala yeesho saaxiibbada kale ee caalamiga ah, Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika inay gacan ka geystaan sidii nabad iyo xasilooni waarta loogu heli lahaa gobolka iyada oo lagu saleynayo go’aanka shacbiga Somaliland.”

Mudooyinka soo socda ayaa la eegi doonaa wakhtiga iyo sida uu ku dambeeyo mooshinkan lagu dalbaday aqoonsiga Somaliland.

Leave a Reply