Qaniiyada Iyo Dhareerka Dawada Ah!

0
635

Dad badan ayaa la kulma qaniinyada Qudhaanjada meel kasta oo dunida ah, laakiin dadkaasi waxay si dhakhso u dilaan Qudhaanjada yar ee qaniintay, iyagoo aan ogayn inay waxtar u leedahay. Haddii qofka ay qaniintay ogaan laha faa’iidada uu jidhkiisu ka helay waa uu ku farxi lahaa oo u naxariisan lahaa, dilkeedana kuma degdegeen.

Faa’iidyonka jidhka qofku ka helo qaniinyada qudhaanjada waxa ka mid ah:

Iyadoo qaniinyadaasi firfircooni gelisa hab dhiska wareegga dhiigga, waxaana kordha xinjirta ku jirta dhiigag cas oo haddii dhaawac gaadho isla markiiba joojisa dhiigga.

Qaniinyada Qudhaanjadu  waxay kobcisaa maskaxda waxayna awood siisaa unugyada dareenka ee maskxda.  Waxa kale oo Qaniinyada qudhaanjadu ay u wanaagsan tahay maqaarka sare oo iska difaaci kara bakteeriyada halista ah.

Qaniinyadaasi waxa ay siisa xididdada dhiigga awood ay iskaga caabbiyaan sunta, taasi oo iyana caawisa beerka qofka.

Waxa iyana la cadeeyay in marka ay ku qaniinto Qudhaanjada dhedig ahi in dhareerka carabkeedu ku hadho jidhakaaga kaasi oo faa’iido badan u leh (xadiga dhareerka Iyon, amount of ionic saliva) waxaana uu gubaa oo baabiiyaa dhamaan baruurta iyo duxda jidhka. Haddii ay gacanta kaa qaniinto duxda ku jirta 99% way baabiisaa.

Leave a Reply