Ururka Geelleyda Somaliland oo Walaac Ka Muujiyey Geel Dawladda Australia Laynayso

0
414

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Ururka ku midaysan Geellayda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in si wayn uga walaacsan yihiin Geella lagu laynayo dalka Australia, waxaaney tilmaameen in la heli karo hab kale oo lagu yareynayo khasaaraha uu Geelaasi keenayo.

War-saxaafadeed ay shalay soo saareen Ururka Geelayda oo Fadhigoodu yahay Hargeysa oo soo gaadhay wargeyska Dawan ayaa waxaa uu u dhigna sidan “Ururka dhaqashada Geella iyo soo saaridda caanaha Geela Somaliland, waxaa uu aad uga xun yahay dilka 10 kun oo neef oo Geel ah oo ku nool wadanka Australia, waxaana uu halkan baaq uga dirayaa madaxdda Dawladda Australia inay dilkaasi si degdeg ah u joojiyaan, kana fekeraan siyaabo kale oo loo xalin karo dhibaatada uu Geellaasi ku hayo degaanka ee ay ka walaacsan yihiin Madaxda Waddanka Australia.

Geellu, waxaa uu Bulshada Somalida ugu jiraa kaalinta labaad ee noolaha, waxaana ku tiirsan nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, iyaga oo so weyn ugu tiirsan caanihiisa iyo cadkiisa.

Waxaa kale oo ururku Baaq u dirayaa madaxda kala duwan ee Soomaalida, aqoon-yahanka, saxaafadda iyo qof kasta oo Soomaaliyeed oo codkiisa la maqli karo, in ay muujiyaan dareenkooda ku aadan sida ay arrintaa ugu xun yihiin.

Ururku waxaa uu aamisan san yahay in geelaasi assal ahaan uu ka soo jeedo dhulka Soomaalida oo ah kan uu ku dhaqan yahay Geela Adduunka ugu badani, sidaa awgeed ay tahay in geelaasi dawladda Australia ku soo celiso dhulalka Soomaalida si uu u helo daryeel, iyo si Bulshada Soomaalidu uga faa’iideysato.

Madaxda Soomaalida, iyaga oo cod mid ku hadlaya waa inay ka hawlgalaan sidii Geelaa loogu soo celin lahaa dhulkiisii markii horeba laga xabaadhay.

Ugu Dambayn Ururku waxaa u soo jeedinayaa in Somalida ku dhaqan Australia ay ka hawl galaan sidii ay maamulka dalkaas u gaadhsiin lahaayeen dareenkan iyo sidii looga fekeri lahaa keenista xal kale oo lagaga kaaftoomo dilka Geela.”

Mustafa Ali Duale

Gudd. Ururka dhaqashada Geela iyo soo saaridda Caanaha Geela.

 

 

Leave a Reply