Wasaarada Deegaanka oo Hargeysa ku Qabatay Kulan Lagaga Hadlayo Soo Celinta Seerayaasha

0
490

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaa qabatay kulan lagaga hadlayo, isla markaan alagu gorfaynayo qorshaha Seerayaasha dalka ee la xidhay, muhiimada gaarka ah iyo soo Celintooda.

Kulankan oo Shalay ka furmay xarunta Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga ee Magaalada Hargaysa oo socon doona Muddo labo cisho ah ayaa waxa ka soo qayb galay Isu duwayaasha Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga iyo Aqoonyahano Madaxbanaan.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude oo furitaankii kulankan hadal ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in lagaga hadli doono isbadalka ku yimid Seerayaasha. waxaana uu yidhi “Aqoon is Waydaarsigan waxa uu ku saabsanyahay in aynu helno xiliyadii hore siday ahaayeen Seerayaasha iyo sidii loo isticmaali jiray, Maanta wakhtigii ayaa is badalay oo Cimiladii ayaa Isbadashay, Maanta sidee ayaa loo Tixraacayaa Taariikhihii hore ee jiray iyo sida loo soo celin karo Seerayaashii, sababta oo ah waxa ay qayb wayn ka tahay sidii dhulka aynu u maamulanlahayn ee loo xaqiijin lahaa Siyaasada Somaliland ee dhulka.”

Agaasimaha guud waxa uu intaasi ku daray “Dadkii aad ayay u tiro bateen xoolihii dhulka daaqi jiray waa yaraadeen oo Magaalooyinkii ayaa batay, markaa waxa ay wax ka badaleen dabeecadii dhulku lahaa, markaa aynu isla meeldhigno xaaladda taagan waxa ku xigi doona mustaqbalka, waxa laga yeelayo markaa wax badan ayaa laysku dhaafsan doonaa kulankan, wax badan ayaana laga hadli doonaa”.

Sidoo kale Agaasimaha Waaxda tayaynta ee Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer miyiga Axmed Maxamed Maxamuud oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in kulankan lagaga hadli doono Seerayaasha la ooto iyo wixii xoga ee laga hayo.

 

Leave a Reply