Golaha Wasiirada Somaliland oo Ansixiyay Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah

0
544

“Waxa kaloo wasiiradu dood iyo falan-qayn ka yeesheen Xeerka Ilaalinta xuquuqda carruurta iyo Xeerka maalgashiga”…

 

Hargaysa (Dawan): Shirkii golaha wasiirrada Somaliland ee Khamiistii doraad ayaa lagu ansixiyay wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyay xeerka shaqaalaha Rayidka ah ee X/No 31/2004 oo ay hore golaha wasiirradu uga soo doodeen.

Sidoo kale waxaa shirkaasi warbixin lagaga dhegaystay wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta Jamhuuriyadda Somaliland warbixin lagaga dhegaystay.

Fadhigaasi oo noqonay kii 52aad ee golaha wasiirrada xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinayay Madaxweyne ku-xigeenkiisa  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed laga soo saaray shirkii golaha wasiirrada ee doraad oo uu ku saxeexnaa af-hayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan, “Fadhigii 52aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta (Khamiistii) lagaga dooday xeerar cusub.

Iyada oo sidoo kale na lagu ansixiyay xeer in muddo ah ay golaha wasiirradu ka doodayeen.

Ugu horrayn waxaa fadhiga maanta (doraad) lagu ansixiyay wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyay xeerka Shaqaalaha Rayidka ah X/No 31/2004 oo ay goluhu dooddiisu ku soo jireen, iyada oo wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland warbixin lagaga dhegaystay.

Waxa sidoo kale dood iyo falan-qayn dheer uu goluhu ka yeeshay laba xeer oo kala ah:

  1. Xeerka Ilaalinta xuquuqda carruurta iyo
  2. Xeerka maalgashiga”.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply