Burco: Tartanka Kooxaha Heerka Koowaad ee Togdheer oo ka Socda Garoonka Alamsey Stadium

0
884

Burco: Tartanka Kooxaha Heerka Koowaad Ee Togdheer Oo Ka Socda Garoonka Alamsey Stadium

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Burco (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa Khamiistii dorraad si rasmiya u furay tartanka kooxaha kubbadda cagta heerka koowaad ee gobolka Togdheer.

Waxaanu tartankaasi ka soconayaa garoonka Alamsey stadium ee magaaladda Burco. Iyadoo ay ka qayb gelayaan 22 kooxood ah oo ah kuwa heerka koowaad ee Burco.

Furitaanka tartan ciyaareedkaasi waxaa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha, isu-duwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Togdheer, maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmadda Burco.

Sidoo kale waxaa munaasibadii furitaanka tartankaasi ka soo qayb galay xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Burco oo uu ka mid ahaa xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (bidhi), oo si weyn uga shaqeeya arrimaha dhalinyaradd iyo ciyaaraha.

Ciyaartii furitaaka tartakaasi ee Khamiistii waxaa wada ciyaaray kooxda Gaashaa ee milateriga iyo kooxda wasaaradda gaadiidka, waxaanay 5 iyo 2 guushu ku raacday kooxda gaashaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Siciid C/laahi (khaawi), oo si rasmiya u furay tartankaasi ayaa ugu baaqay ciyaartooyga da’ada yar ee Togdheer looga baahan yahay sidii ay u soo celin lahaayeen magacii ay Burco ku lahayd ciyaaraha.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu doonaynaa xirfadii iyo Kubbadii lagu yaqaanay gobolka Togdheer iyo sidii ay u ciyaari jireen, in aan soo celino. Iyagoo beryo Brazisha wadanka ka ahaa, in ay soo noqdaan.

Mar walba waanu u dedaalaynaa ciyaaraha gobolka Togdheer, haddii aanu nahay masuuliyiinta qaranka ee ka soo jeedda gobolka Togdheer. Waxna ka hag-ran mayno, sidii xirfadii iyo sumcadii ay Togdheer ciyaaraha ku lahaan jirtay in aan soo celino”.

Sidoo kale xildhibaan Mubaarig Yuusuf Bidhi,  ayaa ku booriyay kooxaha tartankaasi ka qayb qaadanaya in ay ciyaaraan Kubbad bilaa xanaf ah, isla markaana ay la shaqeeyaan guddiga maamulaysa tartankaasi.

Kayse Yuusuf Cilmi, isu-duwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Togdheer ayaa kula dar-daarmay kooxaha tartankaasi ka qayb qaadanaya in ay ilaaliyaan anshaxa iyo sumcadda gobolka inta uu socdo tartankaasi.

Waxaanu isu-duwuhu u mahad celiyay cid kastoo gacan ka gaysatay qaban qaabadda iyo suurto-gelinta tartankaasi.

Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay badhasaabk ku-xigeenka gobolka Togdheer, oo dhalinyaradda tartankaasi ka qayb qaadanaya kula dar-daarmay in ay ilaaliyaan nabadgeliyadda, isla markaana si wanaagsan uga qayb qaataan ciyaarahaasi.

Geesta kale tartan ciyaarteedkaasi ka socda Burco ayaa shalay waxaa dhacay laba ciyaarood oo dhex maray labadda kooxood ee ka kala ahaa, Caafi iyo  Duulista. Taasoo ku dhamaatay bar-bar dhac min hal Gool ah.

Sidoo kale ciyaarta labaad waxay dhex martay labadda kooxood ee kala ah ciidanka Asluubta iyo Green Cofe (Ex-Hodan Qaylo). Waxaanay ciyaartaasi guushu ku raacday kooxda ciidanka Asluubta oo 4 iyo 1 Gool kaga badisay kooxda Green Cofe.

Dhinaca kale ciyaarahan ka socda garoonka Kubbada cagta Alamsey Stadium Burco waxaa daawashadiisa si weyn u xiisaynaya bulshadda  magaaladda  oo kala taageeraya kooxaha ciyaaraya, kuwaasoo  soo buuxiyay garoonka.

Iyadoo ciyaartay shalay ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiinta maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmadda Burco oo uu ka mid ahaa xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), iyo taliyaha qaybta ee ciidanka Asluubta gobolka Togdheer.

Leave a Reply