“Taariikhda Daraawiish dadka kama dhaxayso waxaa iska leh jamhuuriyadda Somaliland”…badhasaabka Sool

0
577

Qore Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool ayaa sheegay in taariikhda hal-gameyaashii Daraawiish aanay ka dhaxaynin bulshadda Soomaalida oo dhan.

Balse ay tahay mid ay gaar u leeyihiin dadka reer Somaliland gaar ahaana kuwa  gobolka Sool.

Waxaanu shaaciyay badhasaabku in guddi wasiirro ah ay xukuumadda Somaliland u xil saartay dib-u-habayn iyo taagista Taallooyinkii iyo taariikhdii Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

C/qani Maxamuud Jiidhe, oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa kaloo uu tilmaamay in dawladda Somaliland ay ku hawlan tahay sidii loo muujin lahaa taariikhda Daraawiish, isla markaana ay doonayso in dib loo nooleeyo astaamihii Daraawiish.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Taariikhda Daraawiish, dadka kama dhaxayso. Waxaana iska leh taariikhda Daraawiish gobolka Sool ee jamhuuriyadda Somaliland. Dadka reer Somaliland baana leh. Waxaanay ku jirtaa arrimaha taariikhiga ah ee Somaliland”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Laba arrimood in la kala saaro ayaa wanaagsan. Haddii ay noqoto Taallo in la taago, Taaladda nidaam dawladeed ayaa lagu taagaa, cid aan dawladda ahayna ma taagi karaan Taallo. Hawshaasi dawladda Somaliland ayaa ku hawlan, in ay astaamihii taariikhda Daraawiishta muujiso.

Haday Qalcadii Taleex noqoto, in dib-u-habayn lagu sameeyo ayay doonaysaa dawladda Somaliland, oo ay ka shaqayso. Haday noqoto Taallo biirta Sayid ee Laascaanood laga taago, in ay iyadu taagto ayay rabtaa”ayuu yidhi guddoomiye Jiidhe.

Geesta kale C/qani Jiidhe, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay dhaqaale la sheegay in laga ururinayo magaaladda Garoowe, arrintaasi oo uu sheegay mid aan anfacaynin Sool.

Waxaanu yidhi,  “Laakiin, dhaqaale Garoowe lagu ururinayo halkan ma anfacaan, oo gole wasiirro ah ayaa loo saaray.

Dhaqaale Soomaaliya laha keenay halkan (Laascaanood) ma anfacayaan. Halknai waa Somaliland”ayuu yidhi badhasaabku.

Dhinaca kale badhasaabka gobolka Sool ayaa mar kale ugu baaqay bulshadda gobolkaasi in ay ogaadaan in cid aan dawladda Somaliland ahayn aanay hawlo ka qaban karin gobolka Sool.

 

Waxaanu yidhi, “Dadka mar labaad iyo mar saddexaad ba, waan u sheegayaa, wax aan dawladda Somaliland ahayn, Sool kama soconayso”.

 

 

Leave a Reply