Safaarada Somaliland ee Itoobiya oo Dalka ku soo Celisay Dhallinyaro u Tahriibay Liibiya

0
463

Qore:Khadar.M.Dhako.

Hargaysa (Dawan):-Safaaradda  Somaliland  ee  dalka  Itoobiya  ayaa   dalka ku soo celisay  saddex dhallinyaro ah oo u Tahriibay  dalka Liibiya  kuwaas oo laga   soo celiyay  dalka  Suudaan.

Dhallinyaradan lagu  soo celiyay dalka  oo  shalay   ka soo degay   Garoonka  Caalamiga ah ee Cigaal  International Airport ee  Magaalada Hargaysa  ayaa     ka warbixiyay  soo celintooda  Safiir  ku  Xigeenka  Safaarada  Somaliland  ee  dalka  Itoobiya  Barkhad  Maxamuud  Kaariye   oo ka hadlayay ugu horrayn siday dhallinyaradaa dalka ugu soo celiyeen,ayaa   yidhi“Maanta(shalay)  waxa  Garbahayga  taagan  dhallinyaro ay  soo  celisay  Dawladda  Jamhuuriyadda  Somaliland  oo  u  dhashay  dalka  Somaliland   in  badanna  waxaad  Maqasheen  dhallinyaro  reer  Somaliland  oo  tahriib  ka  soo  noqotay      waxa  soo  celiyay  Hay,ado,Safaarada  Somaliland   ee  Itoobiya  iyo  Wasaaradda  Arimaha   Dibedda  ee  Somaliland   umay  kala  hadhin  soo  celinta  dhallinyaradan,waana   Waajibaadka ay  Wasaaradda  Arrimaha  dibeddu  u xilsaarantahay  in la  matalo  Muwaadiniinta  Somaliland  taas  ayaanay  ka mid  tahay  in    dhalinyaradani ay    ka  soo noqotay  dalka  Suudaan  waxaaana  jira   dhallinyaro badan  oo ku  dhibaataysan  dalka  Liibiya iyo  dalalka  waqooyiga  Afrika   waxaanan  diyaar u nahay  ciddii  magafe  gacanta  ugu  jirta  in   Safaarada  Somaliland  ee  Itoobiya ay   Tabantaabiso  kuna  soo celiso dalkooda,”.

Sidoo  kale  Cabdixakiim  Khadar  Siciid  oo ka  mid  ahaa  dhalinyaradan  la  soo  celiyay  ayaa    ka waramay  dhibaatooyinkii  ay kala kulmeen  Tahriibkaas.waxaaanu yidhi“Farxad  ayay  ii tahay  aan  la  soo  koobi  karin  maanta  (Shalay) in aan  dalkaygii  ku soo noqdo  waxaanan  Tahriib ku tegay  dalka  Liibiya,Saddex  iyo  toban  Qof  ayaanu  ahayn     Sideed qof ayaa naga dhintay intayadii  kale  qaarbaa ka baxsaday  magafaha  waxyaabo  aan la  soo koobi karin ayaa naga  soo maray  Tahriibkaas,”.

 

 

Leave a Reply